29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Madaafiic lagu garaacay hareeraha Villa Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online):-Ugu yaraan Qof ayaa ku dhintay halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii Hoobiyayaal ay ku dhaceen qeybta dambe ee Villa Somalia.

Qofka dhintay ayaa lagu sheegay Wiil yar oo 6 Sano Jir ah, halka Dadkii dhaawacmay loo qaaday Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah Goob joogayaasha ku sugnaa goobaha ay ku dhaceen Hoobiyayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Cidanka Amaanka ay soo gaareen halkaasi,dadkana kala ceyriyay.

Waxaa uu sheegay in aysan garaneynin halka laga soo tuuray Hoobiyayaasha ku dhacay hareeraha Villa Somalia.

Bishii hore ayaa sidan oo kale Hoobiyayaal markii dambe la ogaaday in laga soo tuuray Degmada Boondheere lagu tuuray Madaxtooyada Somalia, kuwaasi oo ku dhacay qeybta dambe ee xarunta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News