Banaanbaxyo lagu dhintay oo ruxay Boosaaso.!!

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi maanta ay ka dhaceen banaabaxyo rabshado watta oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar kamid ah dadka banaanbaxyada dhigaya.

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 2 ruux ayaa ku geeriyootay banaanbaxii rabshada watay ee ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana wali magaalada laga dareemaya xiisada ka dhalatay dadka banaanbaxa ka dhigaya magaalada Boosaaso.

Dad kale oo qaba dhaawacyo kala duwan ayaa la dhigay xarumaha caafimaad ee ku yaala magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, iyadoo ciidamada isku dayayaan iney banaanbaxyada rabshadaha wata ay joojiyaan.

Banaanbaxyada maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa salka ku hayo cadaalad daro laga tirsanayo maamulka C/Welli Gaas.

Waxaa si adag dadka banaanbaxa dhigaya ay kaga soo horjeeday habka loo shaqaaleysiiyay dadka ka shaqeynaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in banaanbax looga soo horjeedo dhalinyaro ciidamada Puntland ay xabsiga dhigeen iyo saraakiil kasoo jeeda Bari oo xilal laga qaaday.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Bari iyo kan Boosaaso.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com