Sawir: Gorgor Jaasuus ahaa oo ay adeegsatay Israel oo xabsi la dhigay iyo QM oo damiin ku…

Muqdisho(Caasimada Online):-Dalka Lubnaan ayaa waxaa lagu qabtay Gorgor weyn oo looga shakiyay inuu basaas u yahay Sirdoonka Dowlada Israel.

Gorgorkaani ayaa waxaa markiisii hore ka shakiyay qoysas ku nool mid kamid ah tuulooyinka Lubnaan, kuwaasi oo wargaliyay Ciidamada Amaanka.

Ciidamada Amaanka Lubnaan ayaa gacanta ku dhigay Gorgorkaasi waxa ayna dhigeen Xabsi, aydoo markii danbe ay damiin kusii deysay QM qeybteeda ka howlgasho Lubnaan.

Hudhud111

Gorgorka ayaa damiin kadib dib ugu laabtay dalka Israel, waxaana la sheegayaa in Gorgorkaasi uu seynta ama qeybta danbe ee Jirkiisa ku xirnaa qalab yar oo la filaayo inuu ahaa aallada Sirdoonka adeegsadaan.

Sidoo kale Gorgorka ayaa waxaa ka muuqday sumado muujinaayo in si gaar ah looga taxadaray misna looga difaacay inuu ambado.

Haddaba Sirdoonada addunka ayaa la sheegayaa inay isticmaalaan xayawaanka badda iyo barigaba iyo waliba shimbiraha oo iyagu ah Sirdoon sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com