Xog: Danjire Affeey oo warqado sir ah u gacan galiyay Michael Keating iyo qorshihii Xasan oo…

Muqdisho(Caasimada Online) – Ilo ku dhow dhow wakiilka IGAD u qaabilsan arrimaha Somalia Danjire Maxamed Cabdi Afeey, ayaa xaqiijiyay in Danjiraha uu warqado sir ah u gudbiyay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Michael Keating.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in xogtaasi uu Afey wakiilka cusub ku gudoonsiiyay magaalada Addis ababa, taasi oo la sheegay in Afey uu kaga hadlaayay dhibta ka dhalankarta qaadashada nidaamka 4.5.

Warqada sidoo kale loo qariyay Mr Michael Keating, ayaa waxaa lagu sharaxay damaca DFS ee ku aadan kusii shaqeynta 4.5, waxa ayna xogtu intaa kusii dareysaa in warqadaasi lagu muujiyay rajo beelka Somalia iyo dhibaatooyinka hor leh uu Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh u maleegaayo Somalia.

Warqadaha sirta ah ee la gudoonsiiyay Danjire Michael Keating, ayaa ka kooban 6 warqadood oo gabi ahaanba lagu lafa-guray qorshooyinka Xassan Sheekh ee ku aadan 4.5.

Warbixinta loo gudbiyay Michael Keating ayaa u muuqaneysa mid uu Danjire Afey ku raadinaayo xakameynta Siyaasada uu Michael Keating doonaayo inuu ku maamulo Dowlada Somalia.

Afey ayaan taageersaneyn qaadashada nidaamka 4.5, waxaana xusid mudan in mar waliba uu u taagan yahay garabsiinta Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas, taasi oo aan la ogeyn sababta ka danbeysa.

Ma cadda jawaabta uu Michael Keating ka bixin doono warbixinta qarsoodiga ah ee uu bixiyay Danjire Afey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com