Muqdisho (Caasimada Online) –Â Wararka laga helayo Degaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi Qarax culus lagula eegtay Kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen Saraakiil iyo Ciidamo AMISOM ah.
Ciidamadaani ayaa Qaraxa lala eegtay xili ay ku howlanaayen biyo dhaansi, waxaana lasoo sheegayaa in Qaraxa uu galaaftay qaar kamid ah Ciidamada, halka qaarna uu dhaawac culus kasoo gaaray.
Qaraxa ayaa sidoo kale burburiyay ilaa 2 gaari nooca gaashaaman, kuwaasi oo ay ku dul baaba’een Ciidamadii saarnaa.
Ciidamada AMISOM ayaa Qaraxa kadib waxey halkaasi ka qab qabteen tirro dad ah oo lala xiriirinayo Qaraxaasi.
Ilaa iyo hada majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Degaanka Leego ee Gobolka Sh/Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]