Muqdisho (Caasimada Online) –Â Waxaa magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Hiiraan ka socda kulamo u dhexeeya Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Xawaadle ee Gobolkaasi dega.
Odayaasha iyo Siyaasiyiinta ayaa ka biyo diidan qorsho uu laba jeer usoo bandhigay madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo uu Beesha kaga dalbanaayo in la taageero Xildhibaan Faarax C/qaadir oo u taagan qabashada maamulka cusub ee loo dhisaayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Odayaasha iyo Siyaasiyiinta oo ka didsan shirka ka socda Jowhar oo lagu hagar daameynaayo masiirka Beesha iyo Siyaasada lagu maamuli doono Maamulka cusub, ayaa sheegay in marnaba uusan maamulka cusub isu soo taagi karin cid aan aqoon loo laheyn misna aan labada Gobolka deegaan ku aheyn.
Odayaashu waxa ay sheegen in Dowladu ay gadaal ka riixeyso xubno Siyaasiyiin ah oo aan deegaan ka degin labada Gobol, hayeeshee taasi ay ka muujiyeen diidmo, iyaga oo madaxweyne Xassan ku celshay codsigii uu ku dalbaday in lagu taageero Faarax C/qaadir.
Mid kamid ah Odayaasha oo sababo jiro aawgood uga gaabsaday adeegsiga magaciisa ayaa sheegay in maamulka cusub uusan noqon doonin mid lagu soo dhiso rabitaanka Xassan Sheekh, waxa uuna tilmaamay in Dowladu ay Ergada sandulo uga dhigeyso in la taageero Xildhibaan Faarax C/qaadir.
Isaga oo aragtidiisa ka hadlaaya ayuu yiri ”Diidnay nama soo galo Faarax C/qaadir, Xassan Sheekh waan u sheegnay hadana waxaan u marineynaa Saxaafada mana dooneyno gumeysi dadban oo la galsho carruurteena mustaqbalka”
”Hiiraan marnaba ma hoostagi doonto maamulka cusub waa haddii Xassan Sheekh uu isku dayo in Villa Somalia oo yar uu ka hirgaliyo Hiiraan iyo Sh/Dhexe”
Arrintaani ayaa imaaneysa xili madaxweyne Xassan Sheekh uu Odayaasha Hiiraan ka dalbaday inay taageeraan Xildhibaan Faarax C/qaadir oo uu sheegay inuu kamid noqon doono ragga u taagan qabashada madaxtinimo ee maamulka cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]