Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ay is weydiinayeen halka ay ku danbeyso Dacwadii ka dhanka aheyd Dowlada Kenya ee la xiriirtay muran badeedka ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir.
Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay oo iminka ku sugan dalka Holland ayaa sheegay in mar kale uu Maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda u gudbiyay Dukumiintiyo uu sheegay in inay la xiriiraan muranka waxa uuna sheegay in Somalia sinaba aysan uga hari doonin Badda ka maqan.
Axmed Daahir waxa uu sheegay in Dukumiintiyadaasi ay Dowladu uga jawaabeyso dalab ay horay Maxkamadda Cadaaladda ugu gudbisay Kenya, kaas oo ku Saabsanaa in muranka badda ee labada waddan u dhexeeya lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda.
Axmed Daahir waxa uu sheegay in Dowlada Kenya ay isbaday awood gaar ah, balse ay ka dabageyn doonaan iyaga oo u adeegsan doona Cadaalada, si caalamkuna uu marqaati uga ahaado arrinta xadgudubka ah.
Dr Axmed Cali waxa uu sidoo kale xusay in dowladda Somalia ay ka go’an tahay in muranka badda ee ka dhexeeya Somalia iyo Kenya lagu dhameeyo hab sharci ah oo aysan ogolaanayn wax wadahadal ah, sida uu hadalka u dhigay.
Isaga oo u waramaayay warbaahinta ayuu Axmed Daahir yiri “Runtii sanadkii hore Anagu waxaan si rasmi ah u gudbinay dacwad buuxda, balse Kenya ayaa soo gud-bisatay Warqad ay ku hor-is-taageyso in dacwaddan la qaado, Annaguna mar kale ayaan jawaab ka dhan ah arrintaasi keenay maxkamadda.”
Gudbinta Dukumiintiyada iyo dacwada furan ayaa imaaneysa kadib markii Dowlada Kenya ay isku dayday in si qarsoodi ah ay Dowlada Somalia ula macaamisho, hayeeshee waxa ay Dowlada Somalia iska fogeyneysaa tuhunka laga qabo inay iibsaneyso Badda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]