Aqriso liiska: Sida madaxda Soomaaliya u kala qeybsadeen lacagtii ay DF ka heshay Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa heshay qeyb ka mida lacagtii Boqortooyada Sacuudiga siisay dowladda Soomaaliya, lacagtaas oo soo gaartay khasnadda dowladda maalin kadib markii xukuumadda Soomaaliya shaacisay inay xiriirka diblomaasi u jartay dalka Iiraan.

Deeqa Sacuudiga ayaa gaareysa 50 Milyan oo doolar, lacagtaas oo u kala qeybsaneyd laba qeybood, ayaa qeybta hore waxay ahayd 20 Milyan Doolar oo lagu taageerayo miisaaniyadda dowladda, halka 30 Milyan oo Doolar loo qoondeeyay mashaariic laga fulinayo dalka Soomaaliya.

Waxaa khasnada dowladda ku soo dhacday 20-ka Milyan ee kabka Miisaaniyadda dowladda, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ay qorsheeyeen in la qeybiyo lacagtan oo qeyb ka mida la siiyo hogaamiyeyaasha maamulada dalka, waxaana arrintan ay dhacday intii uu socday shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho ee lagu go’aamiyay qaabka doorashada 2016.

Madaxweynayaasha maamulada wuxuu mid waliba helay lacagta ku hor qoran:

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas: 0,000,000
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan: 2,000,000 (Laba milyan doolar)
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed: 2,000,000 (Laba milyan doolar)
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe: 2,000,000 (Laba milyan doolar)

Madaxweynaha Puntland ayaa diiday inuu qaato lacagtaasi, isagoo sheegay inuu ku qaadan karo oo kaliya qoonde saxan iyo qeybta uu xaq ahaan u leeyahay, waxaana dhacday inuu isaga tegay Muqdisho isagoo aan qaadan lacagtaasi.

Lacagta oo la qeybiyay xilli xasaasi ah ayaa loo arkay inay tahay laaluush lagu doonayo in madaxda maamulada ay aqbalaan go’aanka dowladda Federaalka ee qaabka doorashada oo inta badan maamulada ay qaateen marka laga reebo Puntland.

Dhinaca kale 12 Milyan doolar ee ka hartay lacagta Sacuudiga ayaan waxba la siin maamulada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana u tashaday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid.

Madaxweynayaasha maamulada qaatay lacagta fara badan ayaa ka gaabsaday inay la wadaagaan maamuladooda, waxaana la sugayaa wixii ay ku qabtaan inkastoo qaarkood ay bankiyo ku shubteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com