25.1 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Xog: Villa Somalia iyo beesha caalamka oo wada qorshe cusub oo liddi ku ah maamulada dalka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya Xarunta madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka iyo Villa Somalia ay isla wadaan qorsho lagu kulansiinaayo Madaxweynayaasha maamulada.

Qorshaha lagu kulansiinaayo Madaxweynayaasha ayaa waxaa wata madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo u kaashanaaya Beesha Caalamka, waxa uuna Xassan doonayaa in madaxweynayaasha maamul goboleedyada laga saxiixo inay taageersan yihiin nidaamka ay Dowladu qaadatay.

Madaxweynaha Somalia iyo wakiilada Beesha Caalamka ayaa shaki ka qaba in Madaxweynayaasha maamulada ay qabaan misna taagersan yihiin nidaamkaasi, waxa uuna codsiga ka imaaday Xassan Sheekh, sida ay xogtu sheegeyso.

Madaxweynayaasha qaar ayaa horay magaalada Muqdisho ugu saxiixay heshiiska 4.5, balse waxaa iminka lasoo warinayaa inuu soo baxay isbedel dhanka Siyaasada ah.

Qorshahaani ayaa waxaa sabab u ah madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo aan wali laga saxiixin aqbalida nidaamkaasi, waxa ayna taasi Xassan ku qasabtay in Beesha Caalamka uu ka dalbado in mar kale leysku keeno madaxda maamulada.

Ma cadda inuu hirgali doono qorshahaasi iyo in mar kale uu fashilmi doono, waxaana suuragal ah in Xassan Sheekh iyo Beesha Caalamka ay arrintaasi ku fashilmo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News