27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Gaafow iyo Somaliland oo mar kale is-haya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Saraakiil ka tirsan Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia, ayaa sheegaya in Taliyaha Hogaanka Socdaalka Somalia Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud uu ka fiirsanaayo codsi kaga imaaday dhanka maamulka Somaliland.

Saraakiisha aan xogtaani ka heleyno ayaa sheegaya in Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha maamulka Somaliland ay mar kale warqad codsi ah usoo direen Dowlada Somalia si wax looga badalo go’aankii dhawaan uu qaatay Jen. C/llaahi Gaafow.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Maamulka Somaliland uu dalbaday in xal hoosaad lagu dhameeyo xurguftii dhawaan dhexmartay Dowlada iyo maamulka, islamarkaana dib loo bilaabo howlihii Dowladu ay kawaday magaalada Hargeysa si dadka ku hoos nool maamulka Somaliland ay u helaan Baasabooro.

Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia, Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud, ayaa la filayaa in Codsigaasi uu kala tashto Madaxda Dowlada bacdamaa uusan awood u laheyn in go’aan uu xili hore qaatay uu dib uga laabto.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Somaliland ayaa dhawaan sheegay in dadka ku hoos nool deegaanada uu maamulka ka arrimiyo aysan u baahneyn helida Baasaboor Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News