Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa arrin nasiib darro ah ku tilmaamay in xiligaani oo ay Somalia kasii gudbeyso Burburka iyo xasil darida ay hadana Khilaafyada dalka gacmaha la galaan Dowladaha Deriska la ah Somalia iyo kuwa reer galbeedka ah.
Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in shaqsiyadiisa uusan ku fakirin in Umuuraha gaarka ah ee Somalia uu hoosgeeyo Dowladaha Deriska la’ah Somalia, haddii uu arrinku gaaro meel xun mooye.
Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in Hogaamiyihii ka carooda Siyaasada Dowlada uu u cararo Dowladaha Jaarka ah, waxa uuna sheegay in marnaba aysan suuragaleynin in Dowlad xushmad kala dhexeysa Somalia ay isku daydo in arrimaha maamulada dalka ay ku dirqiso Dowlada, hadii uusan jirin ixtiraam ay muujineyso Dowlada mooye.
Waxa uu tilmaamay in Dowlada Somalia ay ka baxday KMG, taasina ay ka dhigan tahay in laga gudbay xiligii loo dacwoon jiray Dowladaha garabka siiya Somalia, balse ay Dowladu mudnaan gaar ah siineyso Dowladahaasi iyada oo aan nusqaam ku sameyn mowqifkeeda.
Hogaamiyayaasha Maamulada Dalka oo uu ugu horeeyo Madaxeynaha maamulka Puntland ayuu ugu digay in arrin uu Dabeecadiisa ku weeyay uusan garab ugu doonaan Dowladaha Deriska la ah Somalia, waxa uuna Xassan Farta ku goday in Dowladu ay mar waliba mudnaan gaar ah siineyso Maamulada dalka Kooxdii ka faa’iideysan weydana aysan Dowladu u hakin doonin isbedelada Siyaasadeed ee iminka socda.
Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa kusoo beegmaaya xili madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas looga yeeray magaalada Addis ababa ee xarunta Ethiopia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]