27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Gabar fashilisay qorshe lagu qaarijin lahaa wasiir

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee maamulka Jubbaland ay gacanta ku dhigeen ugu yaraan shan ruux oo si dhow loola xiriirinayo qaraxii lala damacsanaa wasiir ka tirsan Jubbaland.

Xogta aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegeysa in labo kamid ah ilaalada qaaska ee wasiirka arimaha bulshada ee loogu xiray qaraxa gaarigiisa xabsiga la dhigay, waxaana sidoo kale soo baxaya in shaqsiyaad kale la xiray.

Wararka ayaa sheegaya in dadka la xiray oo gaaraya ku dhawaad shan ruux uu ku jiro ruux la sheegay inuu ahaa makaanik ka shaqeynayay gaariga, waxaana dhamaantood la weydiinayaa su’aalo la xiriira waxyaabaha keenay iney falkaasi qorsheeyay.

Midka mid ah gabdhaha ku sugan hoyga wasiirka uu degen yahay ayaa la sheegay iney fashilisay qorshaha la doonayay in wasiirka lagu qaarijiyo, kadib markii ay maqashay kooxda falka dooneysan oo taleefoono ku wada hadlaya.

Ciidamada maamulka JUbbaland ayaa saaka baaritaano ka waddo xaafadaha magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafada uu degenaa wasiirka arimaha bulshada ee maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News