26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Turkiga oo xabisay shaqsi ka qeyb galay shirka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Istanbul (Caasimada Online) – Booliska dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigay mid kamid ah dadkii ka qeyb galay shirka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaasi oo la sheegay in lagala baxay hotel uu kaga sugnaa magaalada Istanbul.

Shaqsiga xabsiga la dhigay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdulaahi Xaashi, waxaana laga saaray mid kamid ah hoteelada ku yaala magaalada Istanbuul.

Maxamed Cabdulaahi, ayaa waxaa uu ahaa gudoomiyaha midowga ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Lama oga sababta ka dambeysa in ciidamada booliska dalka Turkiga xabsiga dhigaan gudoomiyaha midowga Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wiilka uu u dhalay  ruux lagu tuhmayo inuu wax ka abaabulay qaraxii ka dhacay diyaaradda Daallo Airline.

Ma jiro ruux ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ka hadlay dhacdada lagu xiray Maxamed Cabdulaahi, iyadoo madaxda dowlada ay ku sugan yihiin dalka Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Turkey
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News