27.4 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Madaxweyne oo ay soo foodsaartay xaalad xun

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Ahlusunada Goballadda Dhexe, ayaa sheegaya in Sargaalkii baxsadka ka ahaa Dowlada ee Liibaan Madaxweyne dhaawiciisa dib loogu celshay deegaanada Ahlusuna kadib markii ay ku fashilmeen u qaadista magaalada Addis ababa.

Maamulka Ahlusuna ayaa dhaawaca Liibaan Madaxweyne oo loo diyaariyay Diyaarad gaar ah iminka dib kula laabatay magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna Kooxdu sheegtay in Dowlada Somalia dooneyso in Liibaan Madaxweyne lagu wareejiyo, balse aysan taasi aqbali doonin.

Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow oo ah Afhayeenka Maamulka Goballadda Dhexe, ayaa sheegay inay Dowladda Federalka diiday in Sarkaalkaasi loo qaado Ethiopia, islamarkaana ay ku baaqday in lagu soo wareejiyo, maadaama uu Dembiile Qaran yahay, balse iyaguna go’aankooda uu noqday inay dib ula soo laabtaan dhaawaciisa.

Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow waxa uu sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in Dhaawaca Liibaan lagu wareejiyo Dowlada, waxa uuna taasi sheegay inay ka xigaan Dagaal ay la galaan Dowlada, waa haddii ay ku dhiirato inay qaatan Dhaawaca Liibaan.

Waxa uu Mursal Xeefow sheegay inaysan garankarin sababta ay Dowlada u hor istaagtay qaaditaanka dhaawaca Liibaan Madaxweyne waxa uuna taasi ku sheegay mid xadgudub ku ah mas’uuliyadii ka saarneyd dhaawacaasi Ahlusuna.

”Haddii ay Dowlada hor istaagtay dabcan Ahlusunna ayaa daaweynta Liibaan Madaxweyne xil iska saareyso, waxaana cadeyneynaa in Liibaan uusan gali doonin gacanta Dowlada”

Liibaan Madaxweyne oo dhowr bilood ka hor ka goostay Ciiddanka Dowladda Federalka ayaa la sheegay inay xabbadi kaga jirto sinta oo ka jabtay.

Dhinaca kale, ma jiraan war rasmi ah oo ay Dowladda Federalka ka soo saartay Sarkaalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News