Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh, Ra’isul wasaaraha iyo Gudoomiyaha BFS ay dhexda ku dhufsadeen Xubnaha la filaayo in dhawaan loo kala magacaabo Safiirada Somalia u fadhin doona Dowladaha Somalia uu xiriirka kala dhexeeyo.
Wararku waxa ay sheegayaan in Liiska Danjirayaasha Cusub iyo kuwa bedeli doona kuwa kale ee iminka shaqeeya ay yihiin ilaa 13 Safiiro, waxaana la sheegayaa in arrintaani ay ka danbeysay kadib markii Wasiir Hadliye uu 7 kamid ah Safiiradaasi ka dhigay shaqsiyaad uu isaga watay, halka qaarna uu iibsaday.
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Madaxweyne Xassan, Sharmaarke iyo Jawaari oo arrintaasi iminka kusoo baraarugay ay Liiskaasi ku sameeyen dib u habeyn islamarkaana ay kala qeybsadeen Xubnaha cusub ee lagu bedeli doono Safiirada xilalkooda weyn doona.
Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in tirada ugu badan ay qaaten Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid, halka tirada xigtana lasiiyay Gudoomiyaha BFS Jawaari.
Liiska Cusub ee muranka dhaliyay ayaa waxaa ka dhexmuuqda Xubno horay xilal kala duwan uga soo qabtay Dowlada iminka jirta, waxaana sidoo kale jira in Safiirada la badali doona ay u badnaan doonaan kuwii ay horay u magacawday Dowladii sheikh Shariif .
Sidoo kale, waxaa daaqada ka baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda oo markiisii hore isku badnaaday, waxaana jiro xogo muujinaaya in Wasiir Hadliye uu iminka Khilaaf hoose kala dhexeeyo Madaxweyne Xassan iyo RW Sharmaarke.
Ma cadda xiliga ay Madaxda DFS garwaaqsan doonaan u adeegida Beelaha la xaqiray xuquuqdooda iyo guud ahaanba Umadda Soomaaliyeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

