26.8 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Ahlu-Sunna oo ka carrootay xariga Cabdi Waal.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Maamulka Ururka Ahlu sunna ee gobolada dhexe ayaa ka hadlay xariga dowlada Soomaaliya u geysatay Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal” oo loo gacan geliyay dowlada Soomaaliya gaar ahaan ciidamada nabad sugida.

C/Nuure Siyaad, ayaa laga  soo xiray hotel uu ka degenaa magaalada Nairobi ee dalka kenya, kadib markii wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya uu ka dalbaday dowlada kenya iney ka taageerto sidii ninkaasi loogu soo gacan gelin lahaa.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey usoo saartay warqad lagu soo xirayo Siyaasiga C/Waal kadib markii maxkamada ciidamada qalabka sida ay soo saartay warqadaasi.

Afhayeen u hadlay maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe oo lagu magacaabo Mursal Maxamed Xeefow ayaa sheegay iney ka xun yihiin xariga loo geystay Cabdi Waal.

“Runtii waa wax aan aad iyo aad kaga xunahay xariga loo gaystay Cabdi Nuure Siyaad. Waa wax nasiib darro ah in isagoo dalkii ka maqan lagu katiinadeeyo dal shisheeye, laguna soo celiyo Magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri Afhayeenka.

“Markii horeba Magaalada Muqdisho wuxuu kaga tagey waa caburin iyo inuu naftiisa badbaadsado. Gobolada Dhexe wuxuu noogu yimid, waxaa lagu nabadgelin waayay Magaalada Muqdisho.”ayuu hadalkiisa kusii daray Mursal Maxamed.

Dowlada Soomaaliya ayaa hadda gacanta ku heysta Cabdi Waal, waxaana la ogeyn sida ay ka yeeli doonto, inkastoo marka oo rag sidaan oo kale marka lasoo xiro qabiil ay u dhamaato sheekadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News