Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubbaland, ayaa sheegaya in Wasiirka Gaashandhiga DFS Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ay caqabado ka heystaan dhex dhexaadinta Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Kismaayo iyo Gobolka Gedo.
Wararku waxa ay sheegayaan in Siyaasiyiin dhawaan laga soo daabulay Gobolka Gedo oo ku sugan magaalada Kismaayo ay diidan yihiin inay qaatan heshiiska lagu xalinaayo Khilaafka taagan.
Wasiir Diini oo wali ku howlan kulamada, ayaa waxaa la tilmaamayaa in ilaa iyo iminka uusan ku guuleysan heshiisinta Siyaasiyiintaasi.
Dadka la heshiisiinaaya oo isugu jira Siyaasiyiin, Wasiiro iyo Xildhibaano kasoo kala jeeda Kismaayo iyo Gedo, ayaa badankood ah kuwo diidan inay qaatan heshiiska.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Siyaasiyiin uu kamid yahay Maxamuud Sayid Aadan uu si cad u diiday inuu qaato wada hadalka waxa uuna cadeeyay in taasi ay sabab u tahay tabashooyinkiisa oo aan cidi dhageysaneynin.
Arrintaani ayaa imaaneysa iyadoo magacaabida Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland ay u xayiran tahay kaliya natiijada kasoo baxda heshiiska iminka laga dhex wado Siyaasiyiintaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

