Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay Dowlada Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay xiliga ay Dowlada Turkiga Saldhiga ciidan ka hirgalin doonto Somalia.
Qoraalka oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladu ay heer gabagabo marineyso dadaalada ay ku hirgalin laheyd Saldhigaasi.
Mr Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa sheegay in hirgalinta Saldhigaasi ay bilaabi doonaan wakhtiyada dhow ee fooda nagu soo haya ay Saldhigooda Milliteri ka furan doonaan gudaha dalka Somalia, si loogu tababaro Milliteriga DFS.
Mevlüt Çavuşoğlu waxa uu sidoo kale tilmaamay in furitaanka Saldhigaasi uu kusoo aadi doono Xiliga Dayrta ee soo socota, waxa uuna ballanqaaday in Saldhigaasi uu ahmiyad gaar ah u yeelan doono Dowlada Somalia.
Sidoo kale, Mevlüt Çavuşoğlu waxa uu tilmaamay inay Somalia ka hirgelinayaan Dhismaha Safaaradda Turkiga, taasi oo tilmaamay inay ku fadhido dhul cabirkiisu dhan yahay 80 Hektar.
Geesta kale, Dowlada Turkiga ayaa tartan lixaad leh ugu jirto sida ay ku hanti laheyd Somalia oo idil, waxa uuna Saldhigaani qeyb ka noqon doonaa dadaalada ay Turkiga ku kasbaneyso Soomaalida.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

