Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo go’aanka ay Puntland ku diiday u hogaansamida 4.5.
Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in Siyaasada Somalia ay tahay mid aan cago wanaagsan ku taagneyn waxa uuna qiray inay jiraan Khilaafyo Siyaasadeed oo taagan.
Madaxweyne Xassan waxa uu tilmaamay in shaqsi ahaantiisa ay u muuqato in khilaafyo xoogan ay ka jiraan dhanka Siyaasada Somalia, waxa uuna ku baaqay in marka hore ay wada heshiiyaan Xildhibaanada kadibna la heshiisiiyo kuwa kale ee ku kala tagay Siyaasada.
Xassan Sheekh oo ka qeybgalay kulan uu Guddoomiyaha BFS uu u sameeyay Xildhibaanada ayaa sheegay in mar waliba Xildhibaanada ay ku qeyla dhaamiyaan in arrimaha amaanka iyo Siyaasada aysan soo faragalinkarin Dowladaha shisheeye, balse waxa uu dhankiisa ka sheegay in hawlaha DFS laga sugaayo sida Amniga iyo Dib u dhiska ay u wakiishaan dad aan Soomaali ahayn sida AMISOM ay tahay arrin iska caadi ah, balse Siyaasada ay tahay meesha kaliya ee laga rabo in Soomaalida wax ka qabtaan xiligan, waa siduu hadalka u dhigayee.
Sidoo kale, Xassan Sheekh ayaa si dadban uga hadlay diidmadii Puntland ee ku aadaneyd nidaamka 4.5 oo ay DFS go’aamisay in doorashada soo socota lagu galo, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la aqbalo meesha loo badan yahay, waxa uuna yiri ”Hadii aan 5 nahay oo 4 meel isku raacdo, maaha inaan meel gaar ah u baxo oo iraahdo anigoo reer hebel ah”
Xassan waxa uu ku nuux-nuuxsaday in DFS ay ka go’an tahay inay qaadato nidaamka 4.5, balse uusan oraneynin Puntland iyada ayay u taalaa, waxa uuna taasi badalkeeda tilmaamay inay u furan tahay dib uga laabashada go’aankeeda.
Haddalka Xassan Sheekh ayaa u muuqanaaya mid uu caradiisa ku dareensiinaayo Madaxda maamulka Puntland ee sida cad u sheegay inaysan qaadan doonin 4.5.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

