Dastuurka cusub ee SOMALIA: Ajnabi dalka waa ka noqon karaa madaxweyne (Qorshe cusub?)!!

Sabtidii waxaa la soo xiray kalfadhigii 7-aad ee baarlamaanka federaalka, waxaa la sheegay in la dhameystirayo cutubyada dhiman sida 5, 6, 7, 8 iyo 15-naad, kadibna guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka iyo guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka ay aadi doonaan gobollada dalka iyadoo ay ku wehlinayaan xildhibaanada gobolkaas ka soo jeeda si shacabka loogala tashado arrimaha dib u eegista dastuurka kadibna waxaa dastuurka lagu soo celin doonaa baarlamaanka si qodob walba 184 xildhibaan u ansixiyaan.

Qodobka in laga fiirsado u baahan waa 88aad ee shuruudda doorashada madaxweynaha, laakiin inta aan qodobkaas ka hadlin, u fiirso dastuurka qodobkiisa 8aad faqradiisa 3aad oo u qoran: Qof leh jinsiyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo jinsiyadda Soomaaliyeed, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale, halkan waxaa ku cad in qofka Soomaaliga uu qaadan karo labo dhalasho, doodeena maanta ma aha qofka Soomaaliga ah labo dhalasho ma qaadan karaan,  ee waxa aan ka hadleyno waa qof labo Baasaboor leh ma noqon karaa Madaxweynaha Soomaaliya?!

Dastuurkan KMG ah ee 2012-ka waxaa uu ka duwan yahay dastuuradii hore marka laga hadlayo shuruudaha doorashada Madaxweynaha dalka oo waxaa ku qoran qodobkiisa 88aad: Shuruudaha u Doorashada Madaxweynennimada waa in uu yahay: Muwaadin Soomaali, Muslim ah, Da’adiisu aanay ka yarayn afartan (40) sano, Leh aqoon ama waayo’aragnimo u qalanta xilkaas, Dhimirkiisu dhan yahay, Gelin dembi culus oo ay maxkamadi xukuntay, waxaa muuqata in laga saaray shuruudo ku jiray dastuuradii hore ee dalka! 

Dastuuraddii hore ee dalkeena Soomaaliya  waxaa aad u adkaa xitaa qofka Soomaaliga ah in uu isku qaato labo dhalasho, sida ku qoran xeerka dhalasha ee dastuurkii 1962-dii ee lagu dhaqmo, qofka waxaa uu muwaadin yahay marka aabihii uu Soomaali yahay, ha degenaado gudaha ama dibadda dalka laakiin aan heysan dhalasho kale ama iska celiya dhalashada dalka kale.

Arrinta ku saabsan shuruudaha qofka noqonaya madaxweynaha Soomaaliya ee dastuuradii hore ku qornaa waxaa ay ahaayeen kuwoo aad u adag, waxaan soo qaadneynaa sida ay u kala horeeyaan: 

Dastuurka Soomaaliya 1960-kii, qodobka  71aad waxaa ku qornaa shuruudaha mudnaanshaha Madaxweynimada: Muwaadin kasta oo Muslim ah, Aabihii iyo Hooyadiina ay labaduba yihiin, muwaadiniin asal ah oo xaq u leh in uu cod dhiibto/bixiyo,  Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ma qabi karo, mana guursan karo haweenay aan asal ahaan muwaadin Soomaali ahayn muddada uu xilka xafiiska hayo. 

Dastuurka Soomaaliya 1979-kii, Qod. 81aad waxaa sidoo kale lagu soo qaatay Shuruudaha Doorashada iyadoo lagu qoran sidan: Waxaa loo dooran karaa jagada Madaweynaha JDS. Qof kastoo Soomaali ah, Aabihii iyo Hooyadiina Asal ay Soomaali yihiin horey aan u guursan, intuu Xilka hayana guursanin Qof aan Soomaali aheyn. 

Dastuurka Soomaaliya 1990-kii, waxaa qodobkiisa  78aad ku qornaa  Shuruudaha doorashada  waxaa loo daabacay sidan:  Waxaa loo dooran karaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda muwaaddin kastoo Soomaaliyeed, Muslim ah, aabihiis iyo hooyadiis Soomaali asal ah yihiin, horay an u gursan, inta uu xilka hayana guursanin qof aan Soomaali asal ahayn.

Hadaba maxaa keenay in dastuurkan cusub ee 2012-ka ee dhawaan la ansixin doono laga saaro shuruudihii ku saabsanaa qofka madaxwynaha ka noqonaya  Soomaaliya in uu heysto oo kaliya dhalashada Soomaaliya, maxaa keenay in meesha laga saaro in hooyadii iyo aabihii iyo xaaskiisa ay Soomaali ahaadaan?! arrintanse khatar ma ku tahay Soomaaliya mustaqbalkeeda? Waxaan su’aashan weydiinay aqoon yahay, culimo iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo arrimahan aad ula socda.

Salaad Cali Jeelle oo ah guddoomiyaha xisbiga midnimada iyo dimoqoraadiyadda ayaa aad uga soo horjeestay in dalka uu madaxweyne ka noqdo qof labo baasaboor leh isagoo arrintaas ku tilmaamay mid khiyaamo qaran ah, kana soo horjeeda wadaniyadda iyo Soomaalinimada.

Maxamud Axmed Nuur Tarsan oo ah Guddoomiyaha xisbiga cadaaladda bulshada (XCB) ayaa waxaa uu difaacay dadka labada dhalasho wata in ay noqon karaan Madaxweynaha Soomaaliya, Tarsan waxaa uu ku dooday in khiyaanada aanay ku koobneyn dadka qurbo joogta ah isagoo hadalkiisa ku soo koobay in loo baahan yahay in 2 Milyan ee Soomaalida ah ee dibadda ku nool laga faa’ideysto aqoontooda iyo hantidooda oo ay  dalkooda u shaqeeyaan.

Dr. Maxamed Nur Gacal oo ka tirsan aqoonyahanka dalka waxaa uu qabaa in madaxweyne labo dhalasho leh uu khatartiisa leeyahay, isagoo intaa raaciyay in aanay dunida inteeda kale ka jirin, waxaa uu ku taliyay in wax laga bedelo shuruudaha qofka u sharaxan madaxweynaha ee ku qoran dastuurkan qabyo qoraalka ku jira.

Xildhibaanad Fowsiyo Yusuf Xaaji Aden oo ah guddoomiyaha Xisbiga Dimoqoraadiyadda ee Wadaniga ah waxay sheegtay in arrintan ay tahay soo jeedin guddi  oo dastuurka iyo qodobadiisa aanu baarlamaanka ogolaanin, laakiin ay dhiman tahay dooddii  maamul goboleedyada, shacabka iyo la tashiyo kale oo dastuurka  cusub looga doodi doono qodob qodob.

Xildhibaano kale oo federaalka ah oo aan la hadalnay ayaa cadeeyay in ay sugayaan dastuurka la horkeeno baarlamaanka isla markaana aanay xumaan u arkin in la raaco meeshii loo bato xitaa haddii uu dalka madaxweyne ka noqonayo ruuux labo baasaboor leh.

Sheekh Cabdixayi Aden Sheekh Xasan oo ah imaam iyo bare wax ka dhiga jaamacadda Muqdisho ayaa dhankiisa waxaa uu madaxwweynaha labada dhalasho leh ku sheegay in ay keeneyso su’aasha ah, midkee ayuu daacad u noqdaa labada dal?  isagoo soo jeediyay in shuruudaha qodobkaas ku saabsan la adkeeyo, lana daboolo meel walbo oo laga soo geli karo dalka, dadka iyo diinta.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa dhankiisa sheegay in aan la aqbali  Karin in dalka uu madaxweyne ka noqdo shakhsi hooyadii, aabihii ama xaaskiisa aaney Soomaali aheyn.

Abuukaate Tahliil oo ah sharciyaqaan deggen Muqdisho, waxaa uu caddeeyay in caalamka aanu ka jirin dowlad ogolaaneysa mas’uuliyiin labo dhalasho leh, Abuukaataha waxaa uu sheegay in arrinta aanay ku koobneyn madaxweynaha dalka ee la doonayo in xitaa aanay labo baasaboor wadan qof kasta oo xil qaran dalka ka qabanaya sida Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha, Wasiirada, Xildhibaanada iyo inta ugu muhiimsan shaqaalaha dowladda.

Dhinaca kale, iyadoo doodaas ay ka bilaabatay gudaha Soomaaliya ayaan baaritaan ku sameynay haddii uu jiro dunidan dal ogolaanaya in uu madaxweyne ka noqdo ruux labo dhalasho isku wata, natiijada waxaa ay noqotay in caalamka laga diiday ruux labo baasaboor leh in uu dal hogaamiyo.

Dastuurka Mareykanka waxaa uu qabaa in shakhsiga uu ahaado “natural born Citizen.” da’da 35 sano iyo in uu dalka Mareykanka deganaa ugu yaraan 14 sano.

Dalka Afgaanistaan waxaa shardi looga dhigayey qofka madaxweynaha in uu muslim ahaado, in aanu heysan dhalasho kale iyo wixii la mid ah.

Dalka  Algeria waxaa shuruudda ka mid ah in uu muslim yahay, Algerian yahay iyo xitaa in xaaskiisa aaney heysan dhalasho kale.

Dalka Angola: Waxaa ay shuruudda ku dareen in uu ka dhashay qabiillada dalka degan, weli in uu Afrikaan asal ah yahay.

Dalka Masar tusaale ahaa sanadkii 2012-kii waxaa doorashada laga reebay Sheekh Xaasim Abuu Ismaaciil, ma aheyn in Sheekh Xaasim uu dhalasho kale heystay laakin waxaa looga reebay markii la ogaaday in hooyadiis ay heshay Green Card mar ay booqasho ugu tagtay gabadheeda oo deganeyd dalka Mareykanka.

W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye