Xamza oo shaaciyay dhaqan xun oo uu lahaa baarlamankii hore oo uusan laheyn midkan

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo shalay khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa waxa uu si weyn u duray baarlamaankii 10-aad ka horreeyay midka hadda jooga.

Xamza oo marka hore ku dheeraaday ka hadalka horumarada ay ku talaabsatay dowladda ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowladda fedaraalka sidii ay u sii xoojin laheyd horumarada ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada, iyada oo loo marayo barnaamij siyaasadeed ka kooban 6 tiir oo muhiim ah, kuwaasi oo dhamaantood loogu tala-galay in lagu xoojiyo dowlad wanaagga iyo in la gaaro horumaro waara.

Sidoo kale waxa uu sheegay in horumarada ay gaartay dowladda ay ku timid dadaalka baarlamaanka hadda jooga oo uu sheegay inuu si weyn uga duwan yahay dhankasta baarlamaankii ka horeeyay.

“Waxaan u sheegaya dadka Soomaaliyeed in baarlamaanka Soomaaliyeed ee maanta jira la’antiis in aan dowladda laga qaadi lahayn cuna-qabateynta hubka, deyn lagama cafin laheyn, mana ku biiri laheyn suuqa Bariga Afrika,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Haddii ay joogi lahayeen kuwii iyaga ka horey aad wada ogtihiin guulahaas lama gaareen oo waxay hal kalfadhi ku ansixiyeen 12 sharci oo mid walba midka kale ka muhiimsan yaha.”

Xamza ayaa ugu dambeyntiina waxa uu tilmaamay in Xildhibaannada hadda jooga ee baarlamaanka 11-aad uusan laheyn kuwa laaluush qaata, taasi oo loo fasiran karo in kuwii ka horreeyay ay ahaayeen “caado qaatayaal”.

“Dad meelaha ka caaytama way jiraan, balse waxaan wacad ku marayaa in Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka yihiin kuwa aan waligood iweydiin wax laaluush ah, laga soo bilaabo maalintey xukuumadda ansixiyeen ilaa hadda, guulaha la gaaray aniga iyo madaxweynaha kaliya kama shaqeyn,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.