ABIY AHMED oo qunsulka Itoobiya u fadhiya Somaliland u dalacsiiyay safiir buuxa

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay shaaca ka qaaday in qunsulka Itoobiya u fadhiya Hargeysa dhawaan loo dalacsiiyay safiir buuxa, taasina ay ku timid iskaashiga haatan ka dhexeeya labada dhinac.

Muuse Biixi ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 18-ka May oo lagu qabtay Hargeysa, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo horay loo qaaday.

“Waad ogtihiin shalay Ambasaddor-kii Hargeysa joogay ee qunsulka ahaa waxaa laga dhigay safiir, waa tallaabo horumarineed oo aan uga mahad-naqeyno Itoobiya” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday heshiiska badda ee ay la galeen xukuumadda Abiy Axmed, wuxuuna sheegay in weli halkiisii uu yahay ayna dhaqan-gelin doonaan.

“Waa dhaweyd waxaa heshiis galay Somaliland iyo Itoobiya, qaylo dheer bey ka kaceen, horta waxaan idin sheegayaa dalka Itoobiya oo aan xad dheer la leenahay waxay ku dhiiratay wixii idinka aad ka maagteen,” ayuu mar kale yiri Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hehiiskan uu lamid yahay heshiisyada waa wayn, sidaad daraadeedna ay labada dhinac qiimeenayaan, kadibna deg-deg loo fulinayo.

“Heshiiskaas waa hirgalayaa dhawaan haddii uu Alle idmo muddada uu qaatay waxaa waayay muddada ay qaataan heshiisyada cul culus” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in heshiiskan la horgeyn doono goleyaasha baarlamaanka Somaliland, si ay u meel-mariyeen, loona dhaqan-gelyo.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in heshiiskan ay ku bedasheen aqoonsiga Somaliland, Itoobiyana ay noqoneyso dalka 1aad ee Ictiraaf siiya, sida uu hadalka u dhigay.