DF ma aqbali doonta arrinta Kenya ku riixeyso ee Itoobiya taageerada ka haysata?

Muqdisho (Caasimada Online) – Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan waa mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxay horey usoo noqotay ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Waxay leedahay diiwaan wanaagsan oo dhanka adeegga bulshada ah, waa aas-aase Jaamacadeed, mid warbaahineed iyo haweenay si fiican uga dhex muuqata heerarka siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxay dhawaan isku sharaxday xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, kursigaas hadda uu ku fadhiyo ra’iisul wasaarihii ee waddanka Chad.

Kursiga waxa uu hadda yaalla waqooyiga iyo bartamaha Afrika, laakiin muddo xileedkan soo aadan kursiga waxaa la rabaa inuu ku fadhiisto qof kasoo jeeda Bariga Afrika.

Musharaxiinta illaa hadda kursigan raadineysa waxaa ugu cad cad ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga, wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Dowladda Kenya waxay wadaa olole xooggan oo ah in musharaxiinta kale laga reebo, si uu kursiga u qaato Raila Odinga.

Madaxweynaha Kenya William Ruto wuxuu rabaa inuu isdhaafiyo culeyska Odinga oo si weyn ugu qash-qashaaday siyaasadda arrimaha gudaha. Wuxuu garab ka helayaa madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Wararka soo baxaya waxay sheegayaan in Kenya ay madaxda Soomaaliya kala hadashay inay la baxaan musharaxooda oo Fowsiya laga reebo tartanka.

Inkasta oo aanay caddeyn waxa ay Soomaaliya taas uga jawaabtay, haddana waxaa la dusinayaan inay damacsanaan muujiyeen. Horey Soomaaliya ayaa ugala baxday musharaxeeda tartankii madaxweynaha baarlamaanka adduunka, kadib markii ay Tanzania usoo jeedisay gacan ku siinta xubinnimada bulshada Bariga Afrika, taas oo aakhirkii shaqeysay.

Hadda waxay Soomaaliya raadineysa kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waxaa macquul ah ayaa la leeyahay in Muqdisho ay musharaxnimada Fowsiya ku bedelato in laga caawiyo oo lagu garab siiyo kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka.

Haddii ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh qaado tallaabadaas ma cadda waxay noqon doonto jawaabta Fowsiya, laakiin musharax aanay dowladdiisa wadan, ololena ugu jirin wax badan kama keeni karo tartankan.

Dadka isha ku haya arrintan waxay leeyihiin haddii si dhab ah loogu ololeeyo Fowsiya oo dalalka Carabta ah iyo kuwa Islaamka ah ee Midowga Afrika ku jira shaqo fiican laga dhex qabto wax badan oo togan ayaa suurta-gal ah.