Tehran (Caasimada Online) – Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa ku dhawaaqay inay burburiyeen xarun xogeed (Data Center) oo ay sheegeen inay leedahay shirkadda weyn ee Amazon, taasoo ku taalla dalka Baxreyn.
Sheegashadan ayaa imanaysa iyadoo xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka ay sii xoogeysaneyso, isla markaana gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xaalad amni oo aad u cakiran.
Bayaan ay soo saareen IRGC ayaa lagu sheegay in weerarkan uu qeyb ka ahaa mowjaddii 27-aad ee hawl-galka “Nasr 2”, kaasoo ay ku tilmaameen inuu ahaa howlgal lagu dhammaystirayay weerarro hore oo lagu qaaday xarunta xogta ee Amazon.
Ciidanka ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen qaybihii ugu dambeeyay ee xarunta, isla markaana ay gabi ahaanba burburiyeen dhismaha harsanaa.
Sida lagu sheegay bayaanka, howl-galka waxaa lagu fuliyay weerarro qorsheysan oo lagu beegsaday kaabayaal ay Iiraan ku eedeysay inay taageero farsamo iyo xog ururin u fidiyaan ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda gobolka. IRGC ma aysan soo bandhigin caddeyn muuqaal ah oo xaqiijinaysa heerka burburka ay sheegtay.
IRGC ayaa hore u sheegtay 21-kii Luulyo inay weerartay isla xaruntan xogta, iyadoo adeegsatay dhowr gantaal oo nooca cruise missile-ka ah. Waxay markaas ku tilmaantay xarunta Amazon inay tahay goob muhiim u ah kaabayaasha xogta ee Mareykanka ku leeyahay gobolka.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in weerarkan uu yahay jawaab toos ah oo ay ka bixinayaan weerarkii uu Mareykanku ku qaaday xarunta nukliyeerka ee Darkhuyn, kaasoo Iiraan ay ku eedeysay Washington inay ku xadgudubtay madax-bannaanideeda isla markaana ay waxyeello gaarsiisay xarumo muhiim ah oo dalkaasi leeyahay.
Mas’uuliyiinta dowladda Baxreyn ayaa ilaa iyo hadda wax war rasmi ah ka soo saarin sheegashada Iiraan. Sidoo kale, shirkadda Amazon ayaan weli soo saarin wax bayaan ah oo arrintan ku saabsan.
Khubarada amniga gobolka ayaa sheegay in tani noqon karto tallaabo cusub oo muujinaysa in dagaalka u dhexeeya Tehran iyo Washington uu ku sii fidayo bartilmaameedsiga kaabayaasha tiknoolajiyadda iyo xarumaha xogta ee muhiimka u ah adeegyada dijitaalka ah.
Si kastaba, dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan weerarrada u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka, iyadoo laga digayo in weerarro lagu beegsado xarumaha xogta iyo kaabayaasha muhiimka ah ay halis gelin karaan adeegyada dijitaalka ah iyo dhaqaalaha gobolka, isla markaana ay sii hurin karaan xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.

