Xamza oo kashifay qorshe ay wado dowladda Itoobiya oo la xiriira heshiiskii BADDA

Manama (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey shirka 33-aad ee madaxda Jaamacadda Carabta ay ku yeesheen magaalada Manama ee dalka Baxrayn ayaa si adag uga hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku haysa damaca guracan ee Addis Ababa.

Xamza ayaa madaxda Carabta u sheegay in Itoobiya aysan weli ka laaban heshiis beenaadkii ay ku dooneyso qeybo kamid biyaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay wado qorshe ay jid ugu bixineyso heshiiska badda.

““Itoobiya weli kama waantoobin damaceedeen gurrucnaa iyo faro-gelinteedii ka dhan ahayd arrimaha Gudaha Soomaaliyeed, iyaga oo isku dayeya in ay jid u bixiyaan heshiiska sharci darrada ah ee dhibaato ku ah amniga dalalka Carabta, midka heer gobol iyo marinnada muhiimka ah ee Badda Cas iyo Baabul Mandab,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu Xamza la wadaagay Madaxda Boqorrada, Madaxweyneyaasha iyo Amiirrada Carbeed xaaladda dalkeenna, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dib-u-habaynta laamaha amniga iyo xasilinta dalka.

Xamza ayaa khudbaddiisa ku dul istaagay faro-gelinta ka dhanka ah madax-bannaanida qarannimada Soomaaliya ee ay ku kacday xukuumadda Addis Ababa, taasi oo ay meel adag iska taagtay dowladda federaalka, uuna inta badan caalamka ku taageeray.

Itoobiya ayaa tan iyo markii ay qalinka ku duugtay heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland waxay wajaheysa cadaadis diblumaasiyadeed, waxayna hadda isku dayeysa inay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan maamullada xulafeysi la sameysato, taasi oo uga sii dareysa xiisadda labada dhinac.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa dhawaan magacowday gudduga qaran ee difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya ee salka ku haysa heshiiska is-afgarad ee bishii Janaayo ee sanadkaan ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.