Somaliland oo shaacisay in Itoobiya aysan u ogolaan doonin dhismaha dekad cusub

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa sheegtay inay fileyso in dhowaan la soo geba-gebeeyo saxiixa heshiiska ay la galeyso Itoobiya, kaasi oo is-afgaradkiisa lagu saxiixay magaalada Addis-Ababa bishii Janaayo 2024.

Is-afgaradka ay saxiixdeen labada dhinac ayaa lagu warramay inuu dhigayo in Somaliland ay Itoobiya siiso dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidamada badda ah, halka Addis-Ababa ay aqoonsaneyso Hargeysa.

Si kastaba, waxaa hadda soo baxeysa in Somaliland aysan Itoobiya u ogolaan doonin dekad cusub, taa beddelkeedna ay dooneyso inay isticmaasho dekadda Berbera ee horey u dhisneyd.

Dekedda Berbera ee Somaliland “waxa ay diyaar u noqon doontaa dhammaan hay’adaha ay ku jiraan ganacsatada Itoobiya iyo dawladda inay isticmaalaan,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire oo u warramayay warbaahinta DW ee Jarmalka. “Sidaas darteed deked kale looma baahna in la dhiso.”

Qodobka dekadda ayaa horey walaac uga dhex-abuuray Somaliland ayada oo aqoonyahano badan ay sheegeen in aysan xikmad ku jirin in Somaliland ay Itoobiya siiso dhul ay dekad ka dhisato, taasi oo dhaawici karta isticmaalka dekadda Berbera.

Dhinaca kale, warbaahinta DW ayaa sheegtay in guddi farsamo oo uu magacaabay madaxweyne Muuse Biixi ay dhowaan soo gudbiyeen talooyin ku aadan heshiiska lala saxiixayo Itoobiya.

Kooxdan oo ay ku jiraan “shirkado caalami ah oo ku takhasusay sharciga iyo qareeno Somaliland ah ayaa billaabay in ay ka shaqeeyaan warqadda mowqifka Somaliland,” si loo gaaro heshiiska ugu dambeeya, sida ay sheegeen ilo ku dhow dowladda.

Somaliland ayaa lagu warramay inay soo bandhigtay saddex goobood oo suurtagal ah oo ay Itoobiya ka kireyn karto si ay uga sameysato saldhigeeda ciidamada badda.

“Saddexdan goobood ee aanu ka tashanayno magacyadooda si dhab ah uma sheegayo, balse waa wax aan isla go’aamin doonno dhiggeena Itoobiya,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Ciise Kayd oo u warramayay DW.

“Isla marka aan saxiixno heshiiska oo aanu ku heshiino saldhigga ciidamada badda iyo dhammaan shuruudaha ku xiran, oo aanu ku qanacnay — isla markiiba Itoobiya way ku dhawaaqi doontaa oo ay aqoonsan doontaa Somaliland,” ayuu yiri.

“Waxaan u maleynayaa oo aan dhihi lahaa bilaha soo socda, ama laga yaabaa in laba bil ama wax la mid ah la dhammeeyo,” ayuu yiri Kayd.