Daawo: Al-Shabaab oo hal goob ku aasay dad ka badan 2 kun – Sidee wax u dhaceen?

09Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Nabadoon Muxudiin Maxamed oo kamid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka sheekeeyay xaaladda degmadaas iyo dhibaatooyinkii ay ka gaysatay kooxda Al-Shabaab.

Muxudiin Maxamed oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in muddadii ay kooxda joogtay halkaasi ay dhibaato ba’an ka gaysatay Aadan Yabaal, isla markaana ay barakaceen inta badan shacabka, markii ay ku adkeesan waayeen dhibaatada Al-Shabaab.

“Aadan Yabaal nimankan waxay joogeen 16 sano oo maalmo dhiman, magaaladaan waxaa joogay 2,319 qofood, maalinta dowladda hadda joogto Xasan Shekeh ay noo imaaneysay 12 qoys oo kaliya ayaa daganeyd degmadan” ayuu yiri Nabadoon Muxudiin Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maydadka dadkii ugu badnaa ay ku aaseen buuro degmada ku yaalla, kuwaas oo tiradoodu ku sheegayinayinay ka badan yihiin 2,800 oo qof.

Nabadoonku waxa uu tilmaamay in dadkaas lagu soo dilay meelo kala duwan, balse aysan garaneyn sababta loo laayay.

“Burarkan aad u jeedo iyo bannaankan oo dhan waxaa ku aasan ugu yaraan 2,800 oo qof oo mid walba meel laga keenay aan la aqoon” ayuu wareysiga ku yiri Muxidiin Maxamed.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in kooxdu ay qarin jirtay qabuurahaasi, ayada oo xeelad adeegsaneysa, si aysan u ogaan dadka shacabka ah.

“Khawaarijtu waxa ay ahaayeen niman aad u khibrad badan, dadweynuhana way baqdin galin jireen” ayuu mar kale yiri Odaygu.

Aadan Yabaal oo saldhig wayn u ahayd Al-Shabaab ayaa sanad kahir laga xoreeyay, waxaana ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.