Xog: Wax ka ogow arrimaha xasaasiga ee keenay isbedelka DF ee go’aankii UNSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib ula laabatay warqad ay dhawaan u qortay Qaramada Midoobay oo ay ku dalbatay in la xiro xafiiska QM ee Soomaaliya ku yaalla ee la yiraahdo UNSOM.

Warqad uu ku saxiixna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa 5-tii bishan loo diray Qaramada Midoobay, taas oo Soomaaliya ay ku dalbatay in xafiiska UN-ka la xiro, xilli ay Soomaaliya sheegtay inay horumar ka sameysay arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Laakiin warqaddii mid ka duwan ayay habeen hore gudbisay Soomaaliya, oo luuqad ahaan ka dabacsan tii hore, iyada oo Soomaaliya ay dalbatay guddi qiimeyn ku sameeya arrinta xiritaanka xafiiskan oo wada-tashiyana sameeya.

Haddaba, sababta isbeddelka Soomaaliya iyo waxa isbeddelkan cusub ka dhalanaya ayaa warbixintan kusoo koobeyna. Laba qodob ayaa lagu saleeyay isbeddelka ku yimid go’aankii Soomaaliya.

Mid waa in warqaddii koowaad aanay marin wada-tashiyadio loo baahna, waxaana la isku khilaafay luuqadii ay ku qorneyd iyo waqtiga.

Aragtida waa jirtay oo illaa haddana madaxweyne Xasan Sheekh waa qabaa in xafiiskaas la xiro, laakiin goorma ayaa arrintaasi lala wadaagaya Qaramada Midoobay iyo sidee loo dhigayaa hab qoraalka la iskuma waafaqin, buuq ayaa arrintaasi ka dhashay, sida aan kasoo xiganay xubno kamid ah dowladda federaalka.

Qodobka labaad waa cadaadis fuulay nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Marka la qaadayo tallaabooyin culeyskaan leh waa inaad talada wax ka siisa dowladaha waaweyn ee daneeya arrimaha Soomaaliya ee sida dhabta ah u caawiya dalkaaga.

Waxaa la sheegay in aanay dowladda arrintaan kusii wargelin saaxiibadeeda caalamiga ah, ayna arrintani dhaka-faar ku noqotay dowladaha Mareykanka, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Turkiga.

Kadibna waxaa madaxweyne Xasan Sheekh ku laabtay doodo ah in arrintaan ay qiimeyn iyo wada-tashiyo ka horreeyaan, in argagixisada weli xoogan tahay oo tallaabooyinka qaar ay sababi karaan inuu dalka iyagu gacanta u galo iyo in Soomaalida aanay isku waafaqsaneyn hab xukunkiisa waqtigaan, uuna u baahan yahay markii uu tallaabadan qaadayo inuu ku jiro marxalad dhaqaalaha dalka fiican yahay, dowladda is-bixin karto, argagixisana 80 boqolkii laga adkaaday, siyaasad ahaan ay Soomaalida is ogoshahay.

Dhamaan arrimahaas waa kuwo calowsan hadda. Cadaadiskan iyo qaladka ka dhacay qorsheyntii koowaad ayaa lagu fasiray dib u gurashada Soomaaliya ka sameysay xiritaanka xafiiska Qaramada Midoobay.

Warqaddan cusub ee ay Soomaaliya dirtay waxaa ka dhalanaaya dhismaha guddi, shaqo qiimeyn la yiraahdo oo sanado badan socon doonta iyo wada-tashiyo lala yeelanayo dhamaan dhinacyada Soomaalida sida; dowladda federaalka, maamul goboleedyada, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.

Mana cadda inay dhamaan dhinacyadaasi madaxweyne Xasan Sheekh ku raaci doonaan in xafiiskan la xiro, maadaama ay badan yihiin dhinacyada aaminsan inuu Xasan Sheekh hal ujeedo ka leeyahay arrintaan, taas oo ah inuu boobo doorashada soo aadan oo ay meesha ka baxaan dhamaan dhinacyada caalamiga ah ee hor istaagi kara sida; ATMIS iyo Qaramada Midoobay.