Ciidanka SOMALILAND oo helay qalab casri ah + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarigga ka jaray agab cusub oo loo keenay ciidanka dab-demiska, kaasi oo wax weyn ka tari doona hawlaha la-dagaallanka dabka ee ay bulshada u hayaan.

Taliyaha ciidanka dab-demiska, Sarreeye-guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyey xarunta dabdemiska, waxana uu halkaas salaan sharafeed kaga qaatay cutubyo katirsan ciidanka dabdemiska oo xarunta heegan ku ahaa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay xarunta ciidanka dabdemiska, isaga oo u kuur-galay hannaanka ay halkaas uga socoto shaqada bulshada loo hayo, isaga oo xarigga ka jaray agab cusub oo loo soo kordhiyey ciidanka dab-demiska.

Taliyaha ciidanka dab-demiska, Sarreeye guuto Axmed Maxamed Sawaaxili ayaa madaxweynaha u sharraxay noocyada agabka kala duwan ee maanta la daah-furay, waxana uu xusay in agabkani sare u qaadi doono adeegyadii ay ciidan ahaan bulshada u hayaan.

Taliyaha ciidanka booliska, Sarreeye-gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey horumarka ay ciidanka dab-demisku sameeyeen, waxana uu ku adkeeyey inay sii wadaan dedaalkooda.

Sidoo kale, wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed ayaa iyaguna dhankooda bogaadiyey agabka cusub ee loo keenay ciidanka dabdemiska, iyaga oo si weyn u ammaanay hoggaanka ciidanka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu dambeyntiina hambalyeeyey ciidanka dab-demiska iyo taliskoodaba, isaga oo ammaanay nidaamka hufan ee taliyaha ciidanku ka hirgeliyey gudaha ciidanka iyo sida uu ugu hagar baxay inay helaan agab ay hawshooda ku qabsadaan.

Ciidamada dab-demiska Somaliland ayaa maanta u dabbaal-degay sannad-guuradii 10-aad ee kasoo wareegta aas-aaskooda, waxaana ay kamid yihiin hay’adaha Somaliland leedahay ee muddadii ay jireen sida weyn u anfacay bulshada, naf iyo maal badan oo bulshadu lahaydna bad-baadiyey.