Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo maanta howlgal culus oo hub uruurin ah ka wada degmada Cabdicasiis ayaa barqadii gudaha u galay hoteelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa marka hore hub ka dhigis ku sameeyay ilaalada hoteelka, kadibna waxay u gudbeen gudaha, iyaga oo ka raadinayo hub, maadaama miikiilaha hoteelka uu kamid ahaa raggii la safnaaa Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh oo maalin kahor dagaal la galay ciidamada dowladda.
Cabdullahi Maxamed Nuur oo ah miilkiilaha hoteelka, isla markaana soo qabtay xilal kala duwan ayaa ka warbixiyay beegsiga hoteelkiisa, wuxuuna sheegay in ciidamada oo watay hub culus ay xoog ku galeen hoteelka, ayna meel isugu geeyeen shaqaalaha oo ay u sheegeen inay wadaan baaritaanno.
“Maanta oo ay taariikhdu tahay 6 June 2026, saacadu markii ay ahayd 11:30am waxaa xoog ku galay Elite Hotel oo ah goob gaancsi ciidamo kubaysan hub aad u cuslus oo ay ku jiraan walxaha Qarxa sida miinooyin iyo kuwa dhismayaasha lagu dumiyo waxayna la wareegeen gabi ahaan Hotelka, ayaga oo ilaaladi iyo shaqaalihi koobnaa ee gudaha kujiray isugu geeyay goob gaar ah, una sheegay in ay baarayaan hotelka,”ayuu yiri Cabdullahi Maxamed Nuur.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in ujeedkooda aanu ahayn baaritaan, balse ay boobayaaan hoteelka, ayna kusoo bandhigaan hubka ay la galeen gudaha, sida uu hadalka u dhigay.
“Hubka culus oo ay gudaha la galeen waxaa uu muujinayaa in aan qorshuhu ahayn baaritaan balse uu yahay in Hotelka la burburiyo lana boobo dhammaan hantida taala gudaha Hotelka kadibna ay kusoo sawiraan hubka culus ee gudaha Hotel ay geliyeen subaxaan si ay u xalaalaystaan boobka hanti iyo burburinta una sumcad xumeeyaan goobta ganacsiga,” ayuu sii raaciyay.
Arrintan ayuu ku eedeeyay inuu ka dambeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku hayaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada.
“Ciidamadaas waxaa soo diray Xasan Shiikh Maxamuud asiga ayaana qaadaya masuuliyaddaas iyo wixi loo gaysto goobtaas ganacsiga,” ayuu mar kale ku yiri qoraalkiisa.
Xaaladda degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ayaa maanta deggan, inkastoo weli ciidamada dowladda ay ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

