Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa dib u dhigay doorashada isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug.
Guddiga ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku dhawaaqay in haatan doorashada maamulka Galmudug loo asteeyay 30-ka Luulyo 2026, taas oo markii hore loo qorsheeyey inay qabsoonto 25-ka bishaan.
Guddiga ayaa sheegay in go’aankan uu yimid kadib markii uu qiimeeyey baaxadda howlaha horyaalla ee la xiriira hirgelinta doorashada, isla markaana uu tixgeliyey codsi iyo soo jeedin uga timid ururrada siyaasadda ee ka qeybgalaya doorashada.
Sidoo kale, guddigu wuxuu sheegay inuu garwaaqsaday in ururrada siyaasaddu u baahan yihiin waqti dheeraad ah si ay ugu diyaar garoobaan doorashada, maadaama ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee laf-dhabarta u ah hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo hufan.
War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyey in dib u dhigidda doorashada ay waafaqsan tahay qodobka 18-aad ee Sharciga Doorashooyinka, kaas oo khuseeya awoodda lagu cayimayo maalinta doorashada.
Guddigu wuxuu ugu baaqay dhammaan ururrada siyaasadda ee ka qeybgalaya doorashada inay ka faa’iideystaan muddada dheeriga ah ee la siiyey, si ay u dhammeystiraan diyaar-garowgooda kahor maalinta cusub ee loo asteeyey codbixinta.
Waxaa sidoo kale lagu adkeeyey dhammaan daneeyeyaasha doorashada inay sii wadaan wada-shaqeynta iyo taageerada geeddi-socodka doorashada, si ay u qabsoonto doorasho xor, xalaal ah oo hufan.
“Guddigu waxa u caddaynayaa dhammaan daneeyeyaasha doorashada in uu fududayn doono turxaan bixin doono waxa kasta oo khuseeya hawlaha doorashada oo ay soo jeediyaan saamileyda doorashada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka guddiga.
Si kastaba, dib u dhigista doorashooyinka Galmudug ayaa imanaya xilli ay socdaan wada-hadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, oo qaarkood si adag uga soo horjeedaan sii socoshada doorashooyinka maamul-goboleedyada.


