27 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Faah-faahinta xiisad sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka taagan Caabudwaaq

Bookmark
Bookmarked

Share

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Xiisad xooggan ayaa ka tagaan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud kadib markii ciidamada ilaalada u ah musharraxa Madaxweynaha Galmudug, Liibaan Axmed ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa goob ay ka socotay munaasabad soo dhaweyn ah.

Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen falkaask. Dhacdadan ayaa dhacday xilli magaalada uu ka socday isu-soobax ballaaran oo lagu soo dhoweynayay musharraxa, kaas oo booqasho ku jooga Caabudwaaq.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada si ay uga qeyb qaataan soo dhaweynta, hase yeeshee munaasabadda ayaa isu beddeshay fowdo iyo rasaas.

Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo xog-ogaal u ah dhacdada, rabshaddu waxay bilaabatay kadib markii qaar ka mid ah dhallinyaradii ka qeyb-galaysay isu-soobaxa ay sameeyeen buuq iyo fooddo. Arrintaas ayaa la sheegay inay dhalisay jahwareer, taas oo ugu dambeyn sababtay in ciidamada ilaalada ay adeegsadaan rasaas nool.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada ay rasaas toos ah ku fureen dadkii goobta ku sugnaa, taasoo sababtay dhimashada ugu yaraan laba qof oo rayid ah. Sidoo kale, waxaa jira dhaawacyo soo gaaray dad kale, kuwaas oo qaarkood loo qaaday xarumaha caafimaadka ee magaalada si loogu daweeyo.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in khasaaraha dhimashada iyo dhaawacu uu isbeddeli karo, maadaama weli la ururinayo xogta rasmiga ah ee ku saabsan tirada dadka ay rasaastu saameysay. Ma jiraan illaa hadda warar faah-faahsan oo laga helay xaaladda caafimaad ee dadka dhaawacmay.

Dhacdadan ayaa xiisad ka abuurtay magaalada Caabudwaaq, iyadoo ciidamada ammaanka iyo mas’uuliyiinta deegaanka ay wadaan dadaallo lagu dejinayo xaaladda. Ganacsiyo iyo isu-socodka dadka ayaa la sheegay inay si ku-meel-gaar ah u saameeyeen rasaasta ka dhacday goobta.

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay musharrax Liibaan Axmed ama maamulka degmada Caabudwaaq oo ku saabsan dhacdada iyo khasaaraha ka dhashay.

Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa xilli ay Galmudug ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo ololayaal la xiriira doorashada maamulka, iyadoo bulshada ay walaac ka muujinayaan in tartanka siyaasadeed uusan horseedin falal amni-darro oo khatar gelin kara shacabka rayidka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News