26.8 C
Mogadishu
Saturday, June 6, 2026

Muxuu yahay isbedelka aysan dad badan ogeyn ee ka socda Soomaaliya?

By Iman Jama
Bookmark
Bookmarked

Share

𝐌𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐝𝐚𝐝 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐚𝐤𝐡𝐫𝐢𝐧 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚?

Waxaan qabaa in dad badan wali si khaldan u eegayaan waxa maanta Soomaaliya ka socda.

Marka aad dhegaysato doodaha siyaasadda, waxaad moodaysaa in muranka oo dhan ku saabsan yahay doorashada, muddo kororsi, dastuurka iyo khilaafka u dhexeeya dawladda iyo mucaaradka. Arrimahaas way jiraan, waana kuwo muuqda. Laakiin mararka qaar waxa muuqda ma aha sheekada dhabta ah.

Waxaan xasuustaa in sanadihii la soo dhaafay mar kasta oo Soomaaliya gasho marxalad doorasho, qof kasta uu garan jiray sida ay sheekadu ku dhammaan karto. Siyaasiyiintu way is khilaafi jireen, hadallo adag ayay is dhaafsan jireen, mararka qaar xaaladdu meel khatar ah ayay gaari jirtay, laakiin ugu dambayn waxaa iman jiray shir, waxaa iman jiray cadaadis dibadeed, waxaana la gaari jiray heshiis cusub.

Markan se arrimuhu si kale ayay u socdaan.

Waxa yaab leh ma aha in dawladda iyo mucaaradku is khilaafsan yihiin. Taasi Soomaaliya waa ay la qabsatay. Waxa yaabka leh waa in qalabkii lagu xallin jiray khilaafaadkaas uu u muuqdo inuusan sidii hore u shaqaynayn.

Mareykanka ayaa hadlay.

Ingiriiska wuu hadlay.

Diblomaasiyiin badan ayaa isku dayay inay dhinacyada isu soo dhaweeyaan.

Mucaaradku wuxuu isku dayay inuu abuuro cadaadis siyaasadeed.

Dawladduna waxay qaadatay mowqif adag.

Laakiin natiijadii laga filayay lama gaarin.

Marka aad meeshaas gaarto, waa inaad is waydiisa ,maxaa is beddelay?

Dad badan waxay isha ku hayaan madaxweyne Xasan Sheekh.

Qaar kale waxay eegayaan mucaaradka.

Anigu waxaan qabaa in labadaas dhinacba aysan ahayn meesha ugu horreysa ee jawaabta laga raadinayo.

Jawaabta waxaa laga yaabaa inay ku jirto isbeddel ka weyn siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Waxaan qabaa in Soomaaliya maanta gashay marxalad cusub oo ay dad badan wali ku falanqeynayaan qalabkii hore.

Waxaad mooddaa in dad badan ay wali akhrinayaan khariidaddii Soomaaliya ee 2012 ama 2016, halka dalku galay jawi cusub.

Aan si kale u dhigo.

Haddii aad dib ugu noqoto sanadkii 2000 markii lagu dhisay dawladdii Carta, ilaa maanta Soomaaliya waxay ku noolayd nidaam lagu magacaabi karo “siyaasad heshiis lagu maareeyo.”

Qof kasta oo doonaya inuu talada gaaro wuxuu u baahnaa heshiis.

Qof kasta oo doonaya inuu kursiga sii joogo wuxuu u baahnaa heshiis.

Qof kasta oo doonaya inuu mucaarad noqdo wuxuu ugu dambayn ku qasbanaa heshiis.

Dalka waxaa lagu waday is-afgarad joogto ah.

Xataa markii khilaafku xoogeysto, ugu dambayn waxaa la gaari jiray meel dhexe.

Taasi waxay ahayd dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya muddo ku dhow rubuc qarni.

Laakiin maanta waxaad mooddaa in nidaamkaas laftiisa la tijaabinayo.
Madaxweynaha xilka haya wuxuu aaminsan yahay in Soomaaliya aysan sii wadi karin nidaam ku salaysan heshiisyo ku meel gaar ah oo mar kasta la galo marka doorasho timaado.

Wuxuu ku doodaya in loo baahan yahay nidaam rasmi ah oo ku dhisan dastuur iyo doorasho qof iyo cod ah.

Mucaaradkuna wuxuu ka cabsi qabaa in magaca isbeddelka lagu urursanayo awood aan lagu heshiin.

Labadaas doodoodba waxay leeyihiin taageerayaal.

Laakiin arrinta ugu weyn ayaa ah in murankani uusan ku koobnayn Xasan Sheekh iyo mucaaradka.

Waxaa dhab ahaantii muran ka taagan yahay nooca Soomaaliya ay noqon doonto tobanka sano ee soo socda.

Mararka qaar waxaan dareemaa in dadka badankiis ay ku mashquulsan yihiin laamaha geedka, iyagoo aan fiirinayn jirridda geedka.

Doorashadu waa laanta.

Khilaafka siyaasadeed waa laanta.

Laakiin jirridda geedku waa isbeddelka nidaamka.

Marka aad halkaas gaarto waxaad bilaabaysaa inaad aragto waxyaabo aan markii hore muuqanayn.

Tusaale ahaan, maxay tahay sababta Turkigu maanta uga muuqdo Soomaaliya si ka badan sidii hore?

Maxay tahay sababta heshiisyada badda, amniga, ciidamada iyo dhaqaaluhu mar qura u noqdeen arrimaha ugu muhiimsan siyaasadda Soomaaliya?

Maxay tahay sababta dalal badan oo gobolka ah ay si dhow ula socdaan waxa Muqdisho ka dhacaya?

Jawaabtu waa sahlan tahay.

Soomaaliya maanta ma aha waddan keliya oo la isku hayo cidda xukumi doonta.

Waxay noqotay goob ay ku kulmaan dano waaweyn oo caalami ah.

Qarnigii hore, qofkii doonaya inuu fahmo siyaasadda Bariga Dhexe wuxuu eegi jiray shidaalka.

Maanta qofkii doonaya inuu fahmo Geeska Afrika waa inuu eegaa badda.

Badda Cas.
Gacanka Cadmeed.
Badweynta Hindiya.
Marinnada ganacsiga.
Tamarta.
Ciidamada.
Dekedaha.

Qofkii xukuma ama saameyn ku yeesha marinadan wuxuu saameyn ku yeelan karaa ganacsiga adduunka.

Taasi waa sababta Soomaaliya maanta uga muhiimsan tahay sidii ay ahayd labaatan sano ka hor.

Turkigu arrintan si fiican ayuu u fahmay.

Imaaraadkuna wuu fahmay.

Mareykanku wuu fahmay.

Shiinuhu wuu fahmay.

Ruushkuna si la mid ah wuu fahmay.

Su’aashu waxay tahay Soomaalidu ma fahamtay?

Marka aad eegto dhacdooyinka dhowaan dhacay waxaad arkaysaa in tartanka dibadda uu saameyn ku leeyahay siyaasadda gudaha.

Tani ma aha wax cusub.

Dalal badan ayaa soo maray xaalad la mid ah.

Masar 1950-meeyadii waxay ahayd goob ay ku loollamayeen quwadihii waaweynaa ee waqtigaas.

Lubnaan muddo dheer waxay ahayd meel ay ku kulmaan dano is diidan.

Suudaan sanadihii ugu dambeeyay waxay noqotay goob ay ku tartamaan quwadaha gobolka.

Xataa Itoobiya maanta waxaa saameyn ku leh tartanka Badda Cas.

Marka Soomaaliya laga hadlayo dad badan waxay wali u hadlaan sidii dal go’doonsan.

Laakiin xaqiiqadu sidaas ma aha.

Wax kasta oo Muqdisho ka dhacaya maanta waxaa jira indho badan oo dibadda ka daawanaya.

Waxaa jira dano badan oo lagu xisaabtamayo.

Waxaa jira xulafo badan oo qiimeynaya cidda ay la shaqeyn karaan.

Sababtaas awgeed ayaan u qabaa in siyaasiyiin badan wali aysan si buuxda ula jaanqaadin isbeddelka socda.

Qaar badan wali waxay adeegsanayaan xeeladihii hore.

Waxay sugayaan cadaadis dibadeed.
Waxay sugayaan shirar.

Waxay sugayaan dhexdhexaadin.

Waxay sugayaan heshiiskii caadiga ahaa.

Laakiin waxaa laga yaabaa in waqtigan cusub uu leeyahay xeerar cusub.

Taasi micnaheedu ma aha in dawladda sax tahay ama mucaaradku khaldan yahay.

Si la mid ah micnaheedu ma aha in mucaaradku sax yahay ama dawladda khaldan tahay.

Waxaan ka hadlayaa wax ka weyn labadaas dhinac.

Waxaan ka hadlayaa isbeddel lagu sameynayo habkii siyaasadda Soomaaliya u shaqaynaysay.

Waana sababta aan u aaminsanahay in sanado kadib marka dib loo eego maanta, laga yaabo in dadka badankiis aysan xusuusan hadallada maalinlaha ah ee siyaasiyiintu is dhaafsanayeen.

Waxay se xusuusan doonaan in waqtigan uu ahaa xilligii Soomaaliya ay isku dayaysay inay ka gudubto nidaam soo jiray in ka badan labaatan sano.

Haddii isbeddelkaasi guuleysto, Soomaaliya waxay geli doontaa wejigii ugu horreeyay ee nidaam cusub.

Haddii uu fashilmana, waxay u badan tahay in dalka dib ugu laabto qaabkii heshiisyada iyo wada xaajoodyada joogtada ahaa.

Taasi waa sababta aan u aaminsanahay in sheekada dhabta ah ee maanta jirta aysan ahayn cidda doorashada ku guuleysan doonta.

Sheekada dhabta ahi waa in Soomaaliya ay joogto meel ay taariikhdeedu mar kale jiho cusub ka qaadi karto.

Waana isbeddelkaas waxa dadka badankiis wali aysan si buuxda u arkin.

W/Q; Wariye Iman Jama

- Advertisement -

Read more

Local News