28 C
Mogadishu
Saturday, June 6, 2026

Maxaa kasoo baxay kulankii dhex-maray Farmaajo iyo Shariif?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta booqasho ugu tegay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo 4-tii bisha dagaal culus dowladda kula galay degmada Cabdicasiis.

Labada Madaxweyne ee hore ayaa kulankooda uga wada-hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo dagaalka ka dhacay magaalada Muqdisho ee khasaaraha dhaliyay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa garab istaag u muujiyay Shariif, isaga oo sheegay inuu ka xun yahay dhacadadii lagu hor istaagay isaga iyo kolonyadiisa, xilli uu shalay kusii socday gurigiisa ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde.

Kulankan ayaa imaanaya xili xalay uu Sheekh Shariif qaabilay wafuud ka socotay dowladda Turkiga oo dhexdhexaadin ka dhex wada mucaaradka iyo dowladda, si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

Wafdiga Turkiga ayaa kulankii ugu horreeyay lasoo yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha la xiriira doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan dalka, kadibna waxaa ku xigan kulanka xalay ee dhinaca mucaaradka.

Dhanka kale, xogta la helayo ayaa tilmaamaysa in dhinacyada siyaasadda ay isku afgarteen in la magacaabo guddi farsamo oo ka shaqeeya qodobbada la isku hayo, isla markaana diyaariya hannaan lagu xallin karo khilaafaadka jira.

Dowladda Turkiga ayaa haatan si toos ah u hoggaamineysa dadaalladan dhex-dhexaadinta ah, iyadoo ka walaacsan in khilaafaadka siyaasadeed ay saameyn ku yeeshaan maalgashiga, taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ay sannadihii la soo dhaafay ka fulisay Soomaaliya. Turkiga ayaa daneynaya in la helo xasillooni siyaasadeed oo sii xoojisa iskaashiga iyo xiriirka labada dal.

- Advertisement -

Read more

Local News