27.8 C
Mogadishu
Saturday, June 6, 2026

Ciidamada dowladda oo howlgal beegsi ah ka bilaabay degmada Cabdicasiis

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa saaka isku fidiyay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, iyaga oo wada howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, kadib dagaalkii halkaas ku dhex-maray ciidanka dowladda iyo kuwa Sheekh Shariif.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi ayaa waxa uu ku sheegay in howlgalka uu yahay mid beegsi ah, isla markaana lagu soo aruurinayo hubka sharci darrada ah ee ay wateen ciidamadii la dagaalamay kuwa amniga ee ku sugnaa halkaasi.

“Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo hubkii sharci-darrada ahaa ee ay wateen maleeshiyaadkii soo weeraray Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu qariyey goobo kala duwan,” ayuu warsaxaafadeedka ku yiri Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Macallin Mahdi ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada, ayna gacan ku siiyaan howlgallada ka socda degmada Cabdicasiis iyo hareeraheeda.

“Haddaba, Dadweynaha Soomaaliyeed ee dagan Degnada Cabdicasiis iyo nawaaxigeeda waxaa lagu wargelinayaa inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee gudanaya waajibaadkooda qaran, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida bulshada. Qofna lagama aqbali doono inuu gurigiisa ku keydiyo ama ku qariyo hub sharci-darro ah oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo amniga magaalada Muqdisho iyo kan guud ahaan dalka,” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in tallaabo sharci ah oo adag laga qaadi doono cidkasta oo lagu helo hub sharci darro ah oo lagu qalqalgelin karo amniga caasimada, iyada oo dadweynaha laga codsaday inay soo sheegaan.

“Hay’adaha ammaanku waxa ay ka qaadayaan talaabo adag oo sharcigu ogolaanayo cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay kaydinta, qarinta ama fududeynta dhaqdhaqaaqa hub sharci-darro ah. Muwaadin haddii aad aragto goob lagu qarinayo Hub sharcidarro ah fadlan gaarsii hay’adaha Amniga adiga oo wacaya 991ama 199,” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Macallinka.

Xaaladda degmada Cabdicasiis ayaa hadda deggan, kadib markii shalay ka guuray Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaase saaka isku geedaamay ciidanka dowladda oo wada howlgallo amni xaqiijin ah.

- Advertisement -

Read more

Local News