Xog cusub: Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo wajahaya cadaadis isku mid ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni hadda ma lahan wax cilaaqaad furan ah, welina laguma guuleysan waan-waantii laga dhex waday muddooyinkii lasoo dhaafay.

Taas beddelkeeda waxaa jira culeysyo iyo eedo mideysan oo horyaalla labada nin. Eedahan iyo culeyskaba waxay ka imaanayaan reeraha ay ku abtirsadaan labadoodu, waxayna salka la galeysa kursiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahano iyo waxgarad ku xisaab ah Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa la sheegay inay labada nin huwiyeen eedo ku saabsan in kursigii loo beddelay sida agaasime guud, iyaga oo wax ku leh talada sare ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan baarlamaanka mariyay in awoodda ra’iisul wasaaraha laga dhigo mid uu isagu eryi karo markii uu doono. Arrintan oo si weyn u dhaawacday qiimihii kursiga ra’iisul wasaaraha, awooddii ka qaaday baarlamaankii, Xasan Sheekh siisay awood dheeraad ah ayay illaa hadda liqi la’dahay beesha haysata kursiga ra’iisul wasaaraha, laakiin Xamza isagu waa aqbalay.

Saciid Cabdullaahi Deni isagu si rasmi ah ayuu u caddeeyay diidmadiisa arrintaas, halka Axmed Madoobe isna la sheegay in uusan ku qanacsaneyn sida loo dhigay qodobkaas oo sidoo kale khilaafsan siddii ay ku heshiiyeen madaxweyne Xasan iyo afarta maamul goboleed ee hadda heshiiska la’ah.

Saciid Deni wuxuu haystaa qiil ah in markii taasi dhaceysay uusan Xasan Sheekh cilaaqaad la laheyn, mowqifkiisana uu caddeeyay, laakiin Axmed Madoobe oo Xasan Sheekh u furnaa arrintaan kama hortagin, illaa haddana mowqifkiisa si rasmi ah uma uusan caddeyn ayay leeyihiin dadka nala wadaagay in labada nin lagu cadaadinayo inay arrintaasi darteed khilaafkooda hoos u dhigaan, lagana hortago dhaqan-galkeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa fahamsan yahay sida ay arrintaasi u liqi la’yihiin reerka saami-qeybsiga u haysta kursiga ra’iisul wasaaraha, laakiin wuxuu u arkaa guul siyaasadeed uu isagu gaar u leeyahay, umana soo jeedo inuu hadda dood badan ka galo qodobkaas. Mana cadda sida ay iyaguna diidmadooda u qaabeyn doonaan haddii uu Xasan Sheekh ku adkeysto go’aankiisa.

Dad badan waxay is-weydiinayaan Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo la ogyahay halka uu khikaafkooda gaaray ma u heshiisiin karaan sidii loo soo celin lahaa nuxurkii kursiga ra’iisul wasaaraha.