Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Howlgallada Ganacsiga Badda ee militariga UK (UKMTO) ayaa faahfaahisay afduubka markab ganacsi oo ku sii jeeday dekedda magaalada Muqdisho, kaas oo ay kooxo burcadbadeed ah ka qafaasheen xeebaha Bari ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Sida uu ku waramay sarkaal ka tirsan UKMTO, markabka ayaa laga afduubtay xeebaha u dhaxeeya Xaafuun iyo Bandar-beyla oo ka tirsan Puntland, isla markaana markabka oo shidaal u siday dekadda wayn ee magaalada Muqdisho uu kasoo shiraacday dekadda Berbera.
Hay’adda howlgallada ganacsiga badda ee milateriga UK (UKMTO) ayaa xaqiijisay in kooxo hubeysan oo loo badinayo inay yihiin burcadbadeeda Soomaalida inay markabka ula dhaqaaqeen xeebaha Puntland ee Soomaaliya.
Hay’addu waxay sheegtay in markabkan laga leeyahay dalka Pakistan, uuna siday shixnad shidaal ah, balse lama shaacin tirada shaqaalaha saaran iyo dhalashada dalalka ay ka soo jeedaan.
Bishii April ee lasoo dhaafay ayaa gacanta burcadbadeeda waxaa gashay ilaa seddax markab oo labo ka mid ah oo kala ah Honour 25 oo laga leeyahay dalka Palau iyo Eureka oo laga leeyahay dalka Togo ay shidaal sideen ayaa iyagana la qabsaday, waxaana loo jiheeyay dhanka xeebaha Puntland.
Sidoo kale 26-ka April, kooxo hubeysan ayaa meel dhowr mayl uun u jirta xeebta Soomaaliya ka afduubtay markabka ganacsi oo laga leeyahay dalka Masar, laguna magacaabo Sward. Waxaa loola cararay xeebta dekadda Garacad ee Puntland oo xudun u ah kooxaha burcad badeeda afduubanaya maraakiibta ganacsi.
Waxaa xilligaan muuqata inay dib usoo laba kacleeyeen kooxaha burcadbadeeda iyagoo ka faa’iideysanaya qalalaasaha dagaal ee ka jira bariga dhexe, taasoo fursad u siisay inay howlgaladooda fushadaan.
Muddadii u dhaxeysay 2005 ilaa 2012, burcadbadeedda Soomaalida waxay geysteen wax ka badan 1,000 weerar oo ka dhan ah maraakiibta shisheeye, waxay si guul leh u afduubteen 218 markab, iyagoo la haystayaal ahaan u qabsaday in ka badan 3,700 oo badmaaxayaal ah.
Tan iyo xilligaas, burcadbadeedda Soomaalida waxaa lagu xakameeyay isku-dhafka ilaalada amniga ee roondooyinka maraakiibta dagaalka iyo dadaallada horumarineed ee dhulka ah, halka madaxda burcadbadeedda ilaa laba xubnood oo aad u halis badnaa maxkamad la horkeeyay, shabakadahooda ballaaran ee saadka iyo taageeradana marnaba lama kala dirin.

