Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ka hadlayay xaaladaha kasoo kordhay Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in ka maamul ahaan ay taageeri siin doonaan maamulka Madaxweyne Axmed Qoor Qoor.
Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay in Galmudug oo daris yihiin ay u hayaan lix-jeclo, isla markaana daganaashaheeda uu muhiim u yahay Puntland.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamadii ku jiray difaaca ee furimaha hore laga soo bixiyay, isla markaana la geeyay Dhuusamareeb, sida uu hadalka u dhigay.
“Maanta wax alaale wixii ciidamo Shabaab horfadhiyay waxaa loo soo raray Dhuusamareeb ama State-ku haku difaac nidaamkiisa dowladeed ama DFS haku soo duuleyso ha usoo rarto,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenku.
Waxaa oo uu intaas kusii daray “Reer Galmudug waa dad karti badan ka badbaadi kara shirqoolka dowladda taagta daran ee Xasan Sheekh ee xilligeedu dhammaaday waxaan leenahay reer Galmudugow fadhi wanaagsan gala dowladnimadiina badbaadsada”.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Galmudug ay ka taageerayaan badbaadadeeda,, isa markaana ay Puntland gacan siin doonto, sida uu hadalka u dhigay.
“Puntland waxay caddeyneysaa inay garab taagan tahay wax kasta oo ah badbaadada Galmudug, gacan ayaana ka gaysan doonaa oo ah deganaashaheeda iyo wadajirkeeda,” ayuu mar kale yiri.
Hadalkan ayaa kusoo aaday, iyadoo haatan xaalad siyaasadeed oo cakiran ay ka taagan tahay Galmudug, waxaana soo baxay khilaaf culus oo u dhexeeyo Villa Somalia iyo Qoor Qoor oo salka ku haya doorashada maamulkaas.

