25.8 C
Mogadishu
Saturday, May 30, 2026

Xog: Kulan xalay dhex maray Shariif iyo Mahad Salaad

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Salaad, ayaa xalay hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan bannaanbaxyada ay kooxaha mucaaradku sheegeen inay qabanayaan 4-ta bisha Juun.

Taliye Mahad iyo Madaxweyne Shariif ayaa isla lafa-guray muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida magaalada Muqdisho iyo in laga fogaado wax kasta oo qalqal gelin kara amniga caasimadda.

Ilo ku dhow Sheekh Shariif ayaa Caasimada Online u sheegay in Taliye Mahad Salaad uu soo jeediyay dalab ah in dib loo dhigo bannaanbaxa, si loogu diyaar garoobo inuu si nabad ah u dhaco, iyadoo ciidamada amniga ay sugi doonaan amniga bannaanbaxa si qalalaase uusan u dhicin.

Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif, ayaa Mahad Salaad u sheegay in Golaha Mustaqbalka ay bannaanbaxa mar hore qorsheeyeen, isla markaana uu yahay go’aan si wadajir ah loo gaaray. Hase yeeshee, Sheekh Shariif ayaa aqbalay oo kaliya inay ka shaqeyn doonaan sidii aanay u dhicin wax qalalaase ah oo lid ku ah amniga.

Kulankan ayaa dhacay wax yar kadib salaaddii Maqrib, kaddib kulan ay Madaxtooyada si wadajir ah ugu yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Taliye Mahad Salaad.

Kulanka Madaxtooyada ayaa qayb ka ahaa dadaallada xal looga gaarayo doodda Galmudug iyo doorashada madaxweynaha maamulkaas, oo Villa Somalia ay u xilatay siyaasiga maalqabeenka ah ee Liibaan Shuluq. Dhanka kale, waxaa muuqata in laga quustay doodihii la xiriiray damaca Mahad Salaad.

- Advertisement -

Read more

Local News