Hargeysa (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cali Kaariye ayaa maanta si weyn uga hadlay aqoonsiga Somaliland ee Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil iyo sida ay arrintaasi dhaawac ugu tahay Muslimiinta, gaar ahaan ummadda Somaliland, isagoo sheegay inay tahay ka-fogaansho shareecada iyo diinta Islaamka.
Sheekha ayaa sheegay inaan la aqbali karin in siyaasad la geliyo qibladii Nabiga CSW, isla markaana loo aqoonsado caasimad ay leedahay Israa’iil. Wuxuu carabka ku adkeeyay inay “dhimasho ka xigaan” in la aqbalo arrintaas.
“Wixii dhacaya ha dhacaan. Wallaahi haddii qoorta nalaga goynayo, haddii diyaaradaha drone-ka Israa’iil ay nagu dilayaan gudaha Hargeysa, ma beddeli doonno mowqifka shareecada, diinta iyo caqiidadeenna. Qibladii Nabiga CSW baa siyaasad la geliyay. Waar diin baanu leenahay, caqiido baanu leenahay iyo sharci. Kii ka xanaaqaya ha ka xanaaqo. Annaga waxaa noo muhiim ah inaan Ilaahay la kulmi doonno, oo na oofsan doona, oo aanu raalli-gelinno,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Kaariye.
“Ninka ku hanjabaya inuu gacan bir ah ku qabanayo ciddii ka soo horjeedda, waxaanu leenahay: ma laga yaabaa in gacantaas birta ah adiga lagugu qabto ka hor intaadan dadka kale ku qaban? Ma laga yaabaa in geeridu kaaga soo horreyso?” ayuu si kulul u yiri Sheekhu, isagoo madaxda maamulka Somaliland xusuusiyey inay cibro ku qaataan hoggaamiyeyaashii Afrika, sida Mucammar Al-Qaddaafi iyo dowladdii Kacaanka ee Soomaaliya soo martay.
Sheekh Maxamed Kaariye ayaa intaas ku daray in Qudus ay Muslimiinta u tahay caqiido, isla markaana ay tahay meeshii Nabi Muxamed CSW ku helay maamuus iyo sharaf, isagoo sheegay inaan la aqbali doonin in looga tanaasulo Israa’iil.
Booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamed Cali Kaariye, oo ka mid ah culimada Somaliland, kadib markii uu baraha bulshada ku baahiyay qoraal uu kaga soo horjeeday aqoonsiga ay dowladda Israa’iil siisay Somaliland, maalin kadib markii lagu dhawaaqay heshiiskaas, oo ku beegnaa 26-kii December 2025.
Qudus waa magaalo Muslimiinta u ah meel barakeysan, isla markaana ay Falastiiniyiintu u arkaan dhul ay Israa’iil xoog ku haysato. Waa arrin loo arko xariiq cas oo lama taabtaan ah, waana xudunta dagaalka muddada dheer soo socday ee u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil.
Inkasta oo xukuumadda Somaliland ay aqoonsigan iyo is-dhaafsiga safiirrada u aragto guul weyn oo diblomaasiyadeed, haddana arrintan waxay gudaha Somaliland iyo bulshada dhexdeeda ka dhalisay dood ballaaran iyo diidmo xooggan.
Culimada diinta, siyaasiyiin iyo qaybo ka mid ah bulshada ayaa si adag uga horyimid xiriirkaas, iyagoo ka eegaya dhinaca diinta iyo qaddiyadda Falastiin. Taas beddelkeeda, xukuumadda Somaliland waxay si adag u xakameysay hadallada saameyn kara xiriirka diblomaasiyadeed ama sawirka ay Somaliland ka bixinayso fagaarayaasha caalamka.

