25.4 C
Mogadishu
Saturday, May 30, 2026

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisad ka taagan Dhuusamareeb

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xaalad aad u cakiran ayaa ka jirta gudaha Galmudug, iyadoo dadka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ay hadal hayaan suurta-galnimada in dagaal ka dhaco magaaladaas.

Dhuusamareeb iyo qaybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan oo la xiriira xaaladda amni ee magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay riixeyso in ciidamadeedu la wareegaan gacan ku haynta xarunta dowlad-goboleedka Galmudug, halka ciidamada taageersan Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ay wadaan abaabul ay uga hortagayaan in maamulka laga fara-maroojiyo Dhuusamareeb.

Ciidamo isugu jira Daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, lana safan Madaxweyne Qoorqoor, ayaa u diyaarsan inay difaacaan hoggaamiyaha Galmudug iyo magaalada, haddii madaxda Dowladda Federaalka ay amar ku bixiyaan in la qabto Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doonaya in isbeddel siyaasadeed laga sameeyo Galmudug, isla markaana doorashada madaxtinimada Galmudug ee la qabanayo bisha July lagu doorto musharrax ka iman doona urur-siyaasadeedka JSP. Waxaa aad loo hadal hayaa in musharraxaasi noqon karo ganacsade Liibaan Axmed Xasan, haddii uusan isbeddelin mowqifka taageerada Villa Somalia ee ku aaddan ninkaas.

Beesha deggan Dhuusamareeb ayaa gebi ahaanba diiddan in Liibaan Axmed Xasan uu noqdo Madaxweynaha xiga ee Galmudug, iyadoo u aragta in beesha uu ka dhashay aysan markan lahayn doorka ay ku hoggaamin karto Madaxtooyada Galmudug.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo dhaqanka ee beesha Dhuusamareeb ayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka uga digaya in uu colaad ka dhex huriyo dad walaalo ah oo nabad ku wada nool.

Maleeshiyaadka beesha ayaa Khamiistii iyo Jimcihii lagu arkay Dhuusamareeb, iyagoo wata gaadiid dagaal, isla markaana aad mooddo inay si toos ah ugu xiran yihiin maamulka Madaxtooyada Galmudug ee uu hoggaamiyo Qoorqoor.

Xubno ka mid ah haldoorka beesha ayaa warbaahinta ka sheegay in Qoorqoor loo daayo inuu sii hoggaamiyo Galmudug, haddii kalena siyaasiyiinta beeshaas loo oggolaado doorka ay u leeyihiin inay qabtaan talada Galmudug.

Qoorqoor, oo hadda ah Madaxweynaha Galmudug, ayuu Dastuurka Galmudug u oggolaanayaa inuu mar labaad tartamo. Taasi waa sababta beesha Dhuusamareeb aysan uga soo horjeedin in mar kale la doorto, balse ay qabto in haddii la beddelayo, uu keliya beddeli karo siyaasi ama musharrax ka dhashay beeshaas.

Dhanka kale, odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta deegaannada Galmudug ayaa ka shaqeynaya sidii doorashada looga dhigi lahaa mid daahfuran, oo si xor iyo xalaal ah ay ugu tartami karaan dadka daneynaya inay hoggaamiyaan Galmudug dhowrka sano ee soo socda.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Qoorqoor uu diyaar u yahay in Galmudug laga qabto doorasho aan hal dhinac ahayn, balse aanu aqbali doonin wax ka baxsan hannaankaas.

Lama oga in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay taageeri doonto dadaallada socda ee doorashada looga dhigayo mid u dhexeysa dhammaan danleyda siyaasadda iyo in kale.

Dadka reer Galmudug ayaa isha ku haya xiisadda taagan, oo ay garowsan yihiin inay khatar dhab ah ku tahay jiritaanka dowlad-goboleedka Galmudug, isla markaana ay sii kala fogeyn karto bulshada maamulkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News