Maxay yihiin ciidamada cusub ee Itoobiya u tababareyso Somaliland? (Faah-faahin)

Addis Ababa (Caasimada Online) – Somaliland iyo Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxeexday heshiis cusub oo ay Itoobiya ugu tababarayso Somaliland ciidamo.

Ciidankan cusub oo ah boolis ayaa waxaa uu tababarkooda qeyb ka yahay heshiis cusub oo labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya ay ka gaadheen tababarada ciidamada booliska.

“Hoggaanka tababarka ciidanka Booliska JSL Gen. Cabdi Axmed Tiir  iyo madaxweynaha Jaamacadda ciidamada booliska dowladda federaalka Itoobiya Mesfin Abeba ayaa kala saxeexday heshiis muhiima oo ku saabsan tababarrada labada ciidan boolis,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska ciidanka booliska Somaliland.

Heshiiskan cusub ayaa daba-socday safar uu dhawaan Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi uu ku tegay Addis Ababa, oo uu kula kulmay Taliyaha Ciidamada Booliska Itoobiya Komishaneer General Demelashe G/Mechiel, sida lagu yiri qoraalka.

Hoggaanka tababarrada Somaliland ee heshiiska la saxiixday Itoobiya ayaa waxa safarka ku wehlinayay saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.

Heshiiskan ayaa qeyb ka noqonayo heshiisyo labada dhinac horey u dhex-maray, ayada oo dhawaan ay Somaliland iyo Itoobiya qalinka ku duugeen is-afgarad ay si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo Itoobiya loogu saxiixay qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Is-afgaradkaas oo Somaliland ay sheegtay inay qeyb ka tahay aqoonsi ay Itoobiya siiso ayaa illaa hadda dhaqan-gelin, kadib cadaadis xooggan oo uu wajahayo.

Arrintaan ayaa sidoo kale imaneysa xilli ay soo baxeyso in Itoobiya ay dib uga joogsatay inay aqoonsato Somaliland, ayna la wadaagtay diblumaasiyiinta reer Galbeedka inay ka go’an tahay ixtiraamka midnimada dhuleed iyo midnimo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.