25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Wasiir Odowaa: Reer Hiiraan waa loo talin jiray

Bookmark
Bookmarked

Share

(Beledweyne. Caasimadda Online) RW JFS CCC ayaa saakay ka degay magaalada Beledweyne. Safarka RW ayaa waxaa uu qeyb ka yahay xal u helidda maamul u sameynta Sh. Dhexe & Hiiraan.

RW. Ayaa waxaa garoonka Beledweyne ku soo dhaweeyay masuuliyiinta Gobolka Hiiraan. Wafdiga oo aay ku wehliyaan socdaalkiisaan xubno ay ka mid yihiin; Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], Wasiirka Dhallinyarrada iyo Cayaaraha, Maxamed C/llaahi Xasan Nuux, Taliyaha Hay’adada Nabad-sugida, Jen. C/raxmaan Tuur-Yare iyo Xildhibaanno ka tirsan Baalamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugaaska Beesha Xawaadle iyo RW ayaa waxaa aay ku ballansan yihiin in aay berrito 9 subaxnimo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Odowaa ayaa waxaa uu noqday caqabada ugu weyn ee hortaagan maamul u sameynta labada gobol. Wasiir Odowaa ayaa aaminsan in aanay muhiim ahayn ka mid ahaanshaha beesha Xawaadle, maamul u sameynta labada gobol ee Sh. Dhexe iyo Hiiraan. Hadalada wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa “Reer Hiiraan weligood waa loo talin jiray, haddana waa loo talinaa” taasoo aad uga careysiisay siyaasiyiinta iyo wax garadka beesha Xawaadle.

Ilaa hadda lama oga, in RW uu aqbali doono rabitaanka beesha Xawaadle oo ah
1. In gogosha maamul u sameynta labada gobol la keeno Beledweyne.
2. In Reer Hiiraan loo madax banneeyo aaya ka talinta siyaasadda gobolka
3. In Dowladda dhexe aay faraha kala baxdo xulida ergada iyo hab maamuuska maamul u sameynta laba gobol.

Wixii faahfaahin oo soo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa

Caasimadda Online
Xafiiska Hiiraan.
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News