26.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

DF Soomaaliya oo ku dhawaaqday olole ballaaran oo ay uga hortagayso…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday olole ballaaran oo looga hortagayo cudurka Ebola, xilli uu cudurkan saameyn xooggan ku yeeshay qaar kamid ah dalalka dhaca qaaradda Afrika.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa si gaar ah uga digtay halista cudurkaasi iyo suurtagalnimada inuu ku faafo dalalka gobolka. Wasaaradda ayaa sheegtay in la xoojiyay tallaabooyinka ka hortagga iyo baaritaanka dadka looga shakiyo cudurka Ebola, iyadoo Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho loo asteeyay xarunta ugu weyn ee lagu baarayo kiisaska looga shakiyo cudurkaasi.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in qof kasta oo looga shakiyo cudurka Ebola lagu sameyn doono baaritaanno caafimaad oo lagu xaqiijinayo inuu cudurka qabo iyo in kale, si looga hortago faafitaanka xanuunkaasi halista ah.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in la dardargelinayo dadaallada wacyigelinta bulshada iyo xoojinta nidaamka caafimaadka, si loo yareeyo qatarta cudurka Ebola oo horey u galaaftay nolosha dad badan oo ku nool dalal kala duwan oo Afrika ah.

Dalka Uganda ayaa kamid ah waddamada uu si weyn uga dilaacay cudurka Ebola, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo inuu cudurku ku faafo dalalka kale ee gobolka, gaar ahaan Soomaaliya oo ay joogaan ciidamo iyo shaqaale ajaaniib ah.

Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, iyo sidoo kale shaqaale iyo ciidamo ilaaliya xarumaha Qaramada Midoobay, kuwaas oo si joogto ah isaga kala goosha dalalka gobolka, arrintaas oo sii kordhin karta cabsida la xiriirta gudbinta cudurka.

Isbitaalka Martiini ayaa horey dowladda Federaalka Soomaaliya ugu asteeysay xaruntii lagula tacaalay cudurkii Covid-19, waxaana lagu qalabeeyay agab caafimaad iyo deeqo kala duwan oo loogu talagalay ka hortagga iyo daaweynta cudurrada faafa ee halista ah.

- Advertisement -

Read more

Local News