Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal soo saaray ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada gudaha magaalada Muqdisho.
Jaamac ayaa u jawaabay xubnaha mucaaradka oo ka cawday baraha koontarool ee Muqdisho, isaga oo kula taliyay inay u guuraan daafaha caasimada, gaar ahaan Degmooyinka Dayniile iyo Gubadley ee Gobolka Banaadir.
“Ilma adeerayaalow, madasha calaacalkaay, maadaama aad ka cabateen checkpointska amniga caasimadda lagu sugaayo, waxaad u guurtaan daafaha Daayniile, Suuqa Xoolaha iyo Gubadleey, iyagaa idiin sahlane,” ayuur yiri Jaamac.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay u fududeyn doonaan haddii ay guurayaan, isla markaana lagala hadli doono saraakiisha amniga, sida uu hadalka u dhigay.
“Hadeey idinku cuslaato, noo soo sheega aan hay’adaha amniga idiin waydiino in ay cabashadiina tixgaliyaan oo ugu yaraan idinka qaadaan koontaroollada Danwadaagta iyo Km4/Warta, wadada airportkana idiin furaan,” ayuu raaciyay.
Waxaa kale oo uu ku daray “Guryaha xaafaddaasna waa noo raqiisi lahaayeen markaad ka qaxdaan, oo aad Nairobi isku wareysataan, ama qaarkiina aan Nairobi tagi karin ay Stanbul cajaladaha ka soo duubaan iyagoo shuwaarmada ruugaayo sidi uu xaalkiinna ahaa inta aadan helin amniga aad caasimadda ugu damaashaadeysaan oo ay dhaliyeen wiilasha qaraxyada isku dhiga ee checkpointska taagan 24ka saac si ay amnigiina u sugaan, idinkuna aad ijaafaynaysaan har iyo habeen”.
Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa kusoo aaday, xilli dhawaan mucaaradka ay isku kala qaybiyeen qaar kamid ah degmooinka gobolka Banaadir, si ay ugu qabtaan dibadbaxyo, balse waxaa ka hortegay dowladda Soomaaliya, taas oo keentay inuu dhicisoobo qorshahooda.
Mucaaradka ayaa mar kale hadda qorsheynaya inay banaanbax dhigaan 4-ta bisha soo socoto ee June, kaas oo ay ku diidan yihiin muddo kordhinta halka sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo barakicinta dadka shacabka ah.

