30.9 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Macallin Mahdi oo fursad siyaasadeed ka dhex arkay taageerayaasha Arsenal – Sidee?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin oo loo yaqaano (Macallin Mahdi) ayaa fursad siyaasadeed ka dhex arkay taageerayaasha kooxda Arsenal oo xalay magaalada Muqdisho ugu dabaal-degay guushooda horyaalkeedii ugu horreeyay Premier league 22 sano kadib.

Taageerayaasha oo isugu baxay fagaaraha Taleex ayaa dhigay dibadbax wayn oo ay ku muujinayaan guusha ay xaqiijiyeen muddo dheer kadib. Hase ahaatee Macallin Mahdi oo baahiyay muuqaalka taageerayaasha ayaa uga faa’iideystay arrimaha siyaasadda ee taagan, isaga oo duray kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda.

Qoraal kooban oo uu baahiyay Taliyaha ayaa waxa uu ku bogaadiyay sida ay taageerayaasha u banaanbaxeen, iyaga oo aan sameyn wax fawdo ah, wuxuuna tilmaamay in dowladdu ogoshahay dibadbax nabadeed, balse aysan marnaba ogolaan doonin in la carqaladeeyo amniga iyo xasiloonida caasimada.

“Isku soobax nabadeed waa kan caawa waddooyinka iyo fagaarayaasha magaalada isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oo muujinayay farxad, raynrayn, iyo taageero mideysan.Bulshada oo isugu jirtay dhalinyaro, haween, waayeel, iyo carruur si ay taageero ugu muujiyaan kooxdooda,” ayuu yiri Macallin Mahdi.

Sidoo kale, wuxuu intaasi raaciyay “Ma wataan boorar astaan-Qaranka ah oo lagubayo iyo wadooyin taayiro lagu gubayo midna, banaanbax nabadeed waa midkaas iyo kuwa la midka ah. Nabadu waa macaantahay”.

Hadalka Macallin Mahdi ayaa kusoo aadayo, xilli ay shalay mucaaradka u jeediyeen eedeymo culus, iyaga oo sheegay inuu hayo shaqo ka baxsan midda amniga ee loo igmaday, sida ay hadalka u dhigeen.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in taliyaha uu ka shaqeeyay in lasoo xir-xiro dhalinyaro cabiray fikirkooda, isla markaana uu adeegsanayoo Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu tilmaamay inuu dhamaaday muddo xileedkiisa. Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in ay diyaarinayaan liiska saraakiisha ku howlan ku xadgudubka shacabka, ayna u gudbin doonaan caalamka.

“Booliska gobolka Banaadir oo uu hoggaamiy Macallin Mahdi ee dhalinarada soo xir-xiraayo waxaan leeyahay ka jooga, Golaha Mustaqbalka Soomaliyeed waxay go’aansadeen shaqana ka wadaan inaan sameyno liis dhammaystiran oo dadka Soomaaliyeed iyo dunidaba lala wadaagi doono saraakiisha dhalinyarada Soomaaliyeed beegsata,” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.

Mucaaradka ayaa maalmahan dambe dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday magaalada Muqdisho, iyaga oo haatan abaabulayo dibadbaxyo ay sheegeen inay bilaabanayaan wixii ka dambeeyay 4-ta bisha soo socota ee Juun, kuwaas oo looga soo horjeedo muddo kordhinta dowladda iyo barakicinta shacabka.

- Advertisement -

Read more

Local News