Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli sii wada kulamada Beelaha ayaa xalay xarunta madaxtooyada kula kulmay waxgaradka Beesha Ciise Harti ee uu ka dhashay Taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, inkastoo uusan goobjoog ahayn kulankan.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galay odayaal, waxgarad iyo ganacsato kasoo jeeda Beesha Ciise Harti, sida ay muujinayaan sawirrada kulanka oo lagu baahiyay baraha bulshada.
Intiisa badan waxaa kulanka diirada lagu saaray arrimo ay kamid yihiin dardargelinta dib u xoreeynta deegaannada ay Al-Shabaab kaga suganyihiin maamulka Hirshabelle, dowlad wanaaga iyo taageerada ay u hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, waxgaradka la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa boggaadiyey amniga caasimada oo ay ku amaaneen hay’adaha amniga ee dalka.
Dhankiisa Madaxweynaha ayaa sheegay in doorka odayaasha dhaqanka ee nabada uu yahay mid ay dowladda ka mahad-celineyso, loona baahanyahay in laga wada shaqeeyo si isku duubni iyo wadajir leh.
Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu xalay Madaxweynaha la qaatay waxgaradka Beesha Murasade ee ka tirsan beelweynta Hawiye. Xubnahaasi oo isugu jiray xildhibaano, hoggaamiye dhaqameed, waxgarad, ganacsato iyo qeybaha bulshada ayaa waxaa hoggaaminayay wasiirka Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Xasan Macalin.
Kulankaas ayaa sidoo kale ahaa mid xambaarsan miisaan siyaasadeed iyo mid amni, iyada oo ujeedada ay ahayd sidii looga wada qeyb qaadan lahaa xoojinta amniga caasimada iyo ku taageerida dowladda iyo laamaha amniga, maadaama beesha Murusade saameyn ku leedahay degmooyinka Dayniile iyo agagaarkeeda.
Si kastaba, ha’ahaatee kulamadan ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi, isla markaana ay taagan tahay xiisad culus oo u dhexeysa Villa Somalia iyo mucaaradka, taas oo si weyn looga dareemayo gudaha magaalada Muqdisho oo ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan labada dhinac.


