Abu Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa illaa iyo hadda ka hadlin tallaabada Somaliland ee ku aadan safaaradda ay sheegtay inay ka furineyso magaalada Qudus, si ay u xoojiso xiriirka kala dhexeeya maamulka Israa’iil.
Imaaraadka oo haatan xiriir wanaagsan la leh maamulka Hargeysa ayaan jawaab ka bixin tallaabadan oo ay si wayn uga soo horjeesteen dhammaan dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka oo garab istaag u muujiyay madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Arrintan ayaa muujineyso in Imaaraadka uu ka goos adeegayo tallaabada Somaliland, waxayna u muuqataa inuu ku xumeynayo Dowladda Federaalka oo horay xiriirkii ugu jartay, kadib markii ay ka baxday dhammaan heshiisyadii ay horay ula gashay.
Goor sii horreysay Jamhuuriyadda Carabta Masar, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Qatar, Boqortooyada Hashimiyiinta ee Urdun, Jamhuuriyadda Turkiga, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Jamhuuriyadda Indonesia, Jamhuuriyadda Jabuuti, Dowladda Falastiin, Saldanadda Cumaan, Jamhuuriyadda Suudaan, Jamhuuriyadda Yemen, Jamhuuriyadda Lubnaan iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritaaniya, oo bayaan wadajir ah soo saaray ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada sharci darrada ah ee aan la aqbali karin ee ay qaaday Waqooyi galbeed ee ku saabsan furitaanka wax loogu yeeray safaarad ku taalla magaalada Qudus ee la haysto.
Bayaankan ayey dowladaha mar kale ku xaqiijiyeen in tallaabooyinka noocaas ahi ay si cad ugu xadgudbayaan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada khuseeya ee caalamiga ah, isla markaana ay si toos ah u dhaawacayaan xaaladda sharci iyo mida taariikheed ee magaalada Qudus ee la haysto.
Waxaa kale oo ay ku celiyeen diidmadooda buuxda ee dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ah ee lagu doonayo in sharciyad lagu siiyo qorshayaal iyo heshiisyo ka hor imanaya sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee khuseeya.
Ugu dambeyn, 14-kan dal ayaa adkeeyey in bariga Qudus uu yahay dhul Falastiiniyiin ah oo la haysto tan iyo sanadkii 1967, isla markaana tallaabo kasta oo lagu doonayo in lagu beddelo xaaladdiisa sharci iyo taariikheed ay tahay waxba kama jiraan oo aan lahayn wax saameyn sharci ah.

