26.9 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Cabsi xoogan oo soo wajahay Al-Shabaab kadib amarkii Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa waxaa haatan soo wajahday cabsi xooggan, kadib amarkii kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo kahor ku dhawaaqay in Ciidamada Qalabka Sida ay qaadayaan dagaal kama dambeys ah oo dalka looga ciribtirayo cadowga Khawaarijta ah.

Maleeshiyaada kooxda oo culays badan wajahaya ayaa haatan bilaabay inay isku soo dhiibaan Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan furimaha dagaalka.

Maalmihii lasoo dhaafay dhowr Horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay dowladda, iyagoo sheegay inay soo wajahday cabsi badan, sida ay shaacisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Sidoo kale, waxay xubnaha soo goostay sheegeen in markii horaba ay la kulmi jiray weerarrada iyo duqeymaha Ciidamada Qaranka iyo saaxibada caalamiga ah oo ay u dheeraayeen duruufaha adag ee duurka ku heysta Khawaarijta.

Meelaha ay iska soo dhiibeen xubnaha soo gacan galay ayaa waxaa kamid ah deegaanada Mubaarak, Buulomareer iyo Jilib-marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay sidoo kale gaabiga ku hayaan ciidamada dowladda.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya uu Toddobaadkii Xoriyadda markale cafis u fidiyey qofkii kasoo hara fikirka guracan ee argagixisada ee isku soo dhiiba dowladda, dibna ugu soo laabta dadkiisa, isaga oo mar kale iclaamiyay dagaal kama dambeys ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga saarayo Khawaarijta, dadka Soomaaliyeedna dhawaan ayaan la wadaagi doonnaa qorshahaas,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Tan iyo markii uu soo baxay amarka Madaxweynaha waxaa sidoo kale dhaq-dhaqaaq cidian iyo isku dabarid bilaabay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidamada Xoogga Dalka oo tegay furimaha hore ee dagaalka.

- Advertisement -

Read more

Local News