Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ee Maamulka Waqooyi Bari ayaa gacanta ku dhigay shan nin oo loo haysto inay geysteen kufsi wadareed, halka nin lixaad oo lala xiriirinayo falkaasi uu weli baxsad yahay, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Howlgalka lagu soo qabtay eedeysanayaasha ayaa yimid kadib baaritaanno ay sameeyeen laamaha ammaanka, kuwaas oo la xiriiray dhacdada kufsiga ah oo Laascaanood ka dhacday 23-kii bishan May, kadib markii kufsi wadareed loo gaystay gabar kasoo jeeda deegaanka.
“Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska Qaybta Gobolka Sool, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee ilaalinta ammaanka, badqabka bulshada iyo sugidda caddaaladda, ayaa ku guulaystay dabagal ay ku sameeyeen fal-danbiyeed kufsi ah oo ka dhacay magaalada Laascaanood taariikhdu markay ahayd 23 May 2026.
Howlgalkaasi kadib, Ciidanka Boolisku waxay gacanta ku soo dhigeen shan (5) eedaysane oo loo haysto kiiskaasi, halka hal eedaysane oo kale uu weli baxsad yahay, isla markaana ay ku raadjoogaan laamaha ammaanku,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Ragga lasoo qabtay ayaa kala ah;- 1-Maxamed Cabdi Ismaaciil Faarax Ina Farduus Xasan Saalax L/28 Jir Ah, 2-Sharmaake Cabdi Cali Cabdilaahi Ina Safiya Daahir Obsiiye L/22 Jir Ah, 3-Sahal Maxamed Cabdi Samatar Ina Deeqa Axmed Ducaale L/22 Jir Ah, 4-Axmed Cabdiqaadir Ashkir Ina Muxubo Jaamac Ciise L/24 Jir ah, 5-Cabdicasiis Jaamac Shire Ina Yurub Kaariye Bulaale L/21 Jir Ah iyo 6-Maqane Cabdiraxmaan Maxamed Muuse Warsame oo maqane ah.
Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in kiiskan ay dhibbane ka tahay muwaadinad reer Waqooyi Bari ah, sidoo kalena uu khuseeyaa ilaalinta sharciga iyo ammaanka guud ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in baaritaanku si buuxda u socdo, isla markaana warbixin dhammaystiran ay wadaagi doono bulshada marka ay soo gebageboobaan baaritaannada socda.
“Eedaysanayaasha gacanta lagu hayo waxaa sida ugu dhakhsiyaha badan loogu gudbin doonaa hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo habraaca sharciga waafaqsan,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Booliska.
Ugu dambeyn, Ciidanka Boolisku ayaa bulshada u sheegay in uusan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka, kana horreeyay war-saxaafadeedkan, sidaas darteedna dhammaan wararka lagu faafiyey baraha bulshada ee la xiriira kiiskan ee aan kasoo bixin hay’adaha rasmiga ah ay yihiin warar aan xaqiiqo ku dhisnayn, kuwaas oo carqaladayn kara hannaanka caddaaladda iyo shaqada ay hayaan ciidamada ammaanku.

